Courtois oo Ku Biiray Real Madrid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Courtois oo Ku Biiray Real Madrid
August 9, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Real Madrid ayaa soo bandhigtay goolhayahooda cusub Thibaut Courtois kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda kubadda cagta Chelsea.

Goolhayahan u dhashay dalka Belgium ayaa maanta u sheegay wariyaasha in tagitaankiisa Real ay aheyd riyadiisii carruurnimada, inkasta oo uu muddo saddex sano ah u soo ciyaaray kooxda ay Real aadka u xafiiltamaan ee Atletico.

Courtois, oo ah 26, jir ayaa Arbacadii shalay ka tagay Chelsea kadib marki ay Real ku iibsatay lacag dhan 35 million oo euro. Muddadi uu Chelsea joogay ayaa wuxuu la qaaday laba koob oo ah horyaalka Premier League iyo sidoo kale koobaka FA Cup iyo League Cup ee dalka Ingiriiska.

 

sss

COMMENTS
LINKS