Maareeyaha Maamulka Tog Wajaale Ee DDSI oo Ka Hadlay Dhaawac Ay Xalay Ciidamada Liyuu Boolisku U Gaysteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Maamulka Tog Wajaale Ee DDSI oo Ka Hadlay Dhaawac Ay Xalay Ciidamada Liyuu Boolisku U Gaysteen
August 10, 2018 - Written by Reporter:

Tog Wajaale (WJN)- Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale, qaybta Itoobiya ay maamusho, ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska “inay qaataan gaadhi dabdamis ah oo magaaladu lahayd”.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaadhay, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in “dhallinyaro ay rabshado ka wadaan”.

“Dabdamiskii iyo alaab kaleba way qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaadhsiiyeen” ayuu yidhi Axmed-Khadar.

 

WAJAALENEWS.NET

TOG WAJAALE OFICE

COMMENTS
LINKS