Siyaasada Kooxeysiga Gudaha/Dibada Iyo Xulafooyinka Aduunka Ka Jira Ee Is Hayaa, Dalka Waxa Ay Ku Tahay Khatar! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Kooxeysiga Gudaha/Dibada Iyo Xulafooyinka Aduunka Ka Jira Ee Is Hayaa, Dalka Waxa Ay Ku Tahay Khatar!
August 10, 2018 - Written by Editor:

Waxa marag ma Doon ah in siyaasadaha dunida iyo isxulafaysiyada jiraa ay saameyn ku leeyihiin shacabka reer Somaliland iyo dawladaba sida siyaasada khaleejka ee Xulafada ah iyo Qadar.

Siyaasada kale ee awoodaha reer galbeedka iyo bariga hada soo awoodeystay ee aduunyada ku hirdamayaa iyaguna way inagu leeyihiin saameyn wakhti xaadirkan.

Waxaa jira iyaguna iskooxeysiyo gudaha ka jira sida kooxo ku bahowday dano gaar ah oo rag iyo dumarba noqon kara hadii ay nidaamka iyo talada dalka ka qayb galaana waxa ay uga faaiideysanayaan danahooga.

Waxa jira kooxo wadaado ah oo dano ku midaysan iyo awood raadin hadii ay nidaamka iyo talada dalka ka qayb galaan waxaa suuragal ah in qaybsanaan iyo burbur inagu dhaco.

Waxa jira kooxo ardey iyo aqoonyahano ah oo isugu xidhan nidaam ay ka soo qaateen wadamadii dibadaha iyo jaararka ee ay wax ku soo barteen qudhoodu fiiro gaara in loo yeesho ayaa muhiima.

Macnuhuna maaha in marka aan wadaadada ka hadlayno aynu diinta diidanahay, laakiin shuruucda dalka u taal waxa reeban kooxeysiga, siyaasada dalka way ka qayb gali karaan iyaga oo shaqsiyaad ah oo aan waxba kale u qarsooneyn, qof wax lagu aaminona qof diin leh oo ku adag ayaaba ugu wanaagsan.

Dhinac hadii aynu ka eegno malaha waxaaba ay u eeg tahay horumar in siyaasadaha dunida ka socda lala kala safan yahay.

Haseyeeshee maadaama oo aynu nahay dal curdin ah oo aan la aqoonsanayn aduunyada badankeeda aan ka maarmin, waxa ila quman in ay Somaliland siyaasada dhexdhexaadnimada ku dhaqanto si dadkeedu u mideysnaadaan, dunidana aynaan u kala godobaysan.

Hadii aynu haysano cid waxa aynu dooneyno iyo aqoonsiga inoogu balan qaadey ama inoola diyaar ah in ay aduunyada inoogala ololeyso markaa waa suuragal in aynu dhinac u liicno oo danteena ayaa gashay, laakiin waxa shuruud ah in siyaasada aynu qaadaneyno iyo xulafada aynu ku biireynoba in goleyaasha sharci dejintu ansixiyaan.

Muhiimadu qoraalkeygu ama nuxurkiisu waxa weeye in aaney inagu dhicin ( Deep state ) ama nidaam

nidaamka dawladnimodeena ka hoos dhisani oo khatar ina galin karaa, waa wax aad u badan wakhtigan aynu joogno.

Waa Aragtideyda

Qalinkii ;Muhamed Dhimbiil.

COMMENTS
LINKS