Xaalada Cisbitaalka Magaalada Jigjiga oo Laga Dayrinayo iyo Koox Dhakhaatiir Ah oo Soo Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Cisbitaalka Magaalada Jigjiga oo Laga Dayrinayo iyo Koox Dhakhaatiir Ah oo Soo Gaadhay
August 10, 2018 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Magaalada Jigjiga waxaa soo gaadhay koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo qaba takhasusyo kala duwan.

Waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, waxaana marka la isku daro lagu qiyaasay ilaa soddomeeyo inay gaadhayaan.

Waxay ka kala socdeen seddex cisbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital.

Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo Jimce ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan cisbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen.

Waxaa kaloo dhakhaatiirta ka mid ah qaar ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka.

Waxay dadka ku dhiirri galiyeen inay cisbitaalka yimaadaan oo ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.

Hase yeeshee Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya wuxuu ka dardaar weriyey dawada oo cisbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar.

Cisbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital aya ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga.

 

cisbitaal

COMMENTS
LINKS