WAJAALE NEWS

Abwaan Sakariye Awaare Oo Maanso Cusub Oo Uu Soo Saaray Ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Muuse Biixi.

Koron Korro Qabiil Baad

 Kobcisaa Dhasheedoo

 Koolkoolisaayoo

Ugxanteeda Korisaa,

Muusow Ha Nala Kufin,

Kadaraa Bad Noqotoo

Xilalkiyo Kuraastii

Wad Qaraabo Kiishee

Muusow Ha Nala Kufin,

Hargeysa(W,N) Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed (Sakariye Awaare) Oo kamida dhalinyarada hal abuurka ah ee reer Somaliland  ayaa maanso cusub oo uu soo saaray ku dhaliilay  nidaamka hogaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Abwaan Sakariye Awaare Ayaa Maansadan ku soo bandhigay habdhaqanka xukuumada madaxwaye muuse biixi iyo sida uu kor ugusii qaaday adeegsiga qabyaalada.

Halkan ka Akhri maansada Muusoow Hanala Kufin;iyo Fariinta Ay Xanbaarsan Tahay;

Nin kadeedan Abidoo

Kulul oo la yaabloo

Karkabaysan baad tee

Muusow ha nala kufin,

Koron korro qabiil baad

Kobcisaa dhasheedoo

Koolkoolisaayoo

Ugxanteeda korisaa

Muusow ha nala kufin,

Kadaraa bad noqotoo

Xilalkiyo kuraastii

Wad qaraabo kiishee

Muusow ha nala kufin,

Kaydk iyo dhaqaalihii

Wad u kaadin weydoo

Kiradiyo cashuurtii

Kuma kaafiyaysoo

Kiish baabad sidataa

Muusow ha nala kufin,

Kelmadahad shubaysee

Kol ba meel u leexdee

Kasha qiiro geliyana

Kaftan baan u haystaa

Ficilkiyo kalaamkii

Wu is keeni waayee

Muusow ha nala kufin,

Kacdoonnaa dhacaayoo

Dhibku kow ba maahoo

Kuma koobna meel oo

Gudahoo karkarayaad

Korna ka handaraabtee

Muusow ha nala kufin,

Kun jeer oo horeetaan

Karkaarrada ka duulnnoo

Kacnay oo istaagnnee

Muusow ha nala kufin.

ABWAAN SAKARIYE SAXARDIID AWAARE

Exit mobile version