Ciidamada Liyuu Booliska Oo Gabi Ahaanba Iskaga Baxay Magaalada Wajaale Qaybta DDSI Iyo falal Ay Ku Kaceen Oo Shacabku Ka Hor Istaagay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Liyuu Booliska Oo Gabi Ahaanba Iskaga Baxay Magaalada Wajaale Qaybta DDSI Iyo falal Ay Ku Kaceen Oo Shacabku Ka Hor Istaagay.
August 10, 2018 - Written by Editor:

Wajaale(W,N) Magaalada Tog Wajaale qaybta ay Is Maamulka dawlad deegaanka somalida Etoobiya ayaa ilaa maalmihii udanbeeyay ku jirtay xaalad bilaa maamulka ah kadib qalalaasihii ka dhacay caasimada jig jiga isla markaana xilkii uu iskaga casilay madaxwaynihii kilalka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale Ciimada Liyuu Booliska ayaa ku kacay falal ay ku boobeen hantida  qaranka iyagoo gaagiid badan ka xaystay

Xalay ayay ahayd Markii Ay dhaawac soo ugaysteen gudoomiye kuxigeenka wajaale kaasi oo ay kula kaceem ciidamada liyuu boolisku.

Shacabka magaalada wajaale qaybta etoobiya ayaa sheegay in gabi ahaanba ciidamda liyuu boolisku iskaga baxeen deegaanka iyagoo ilaa xalay ay shacabkuna udiiden in ay wax bililiqo ay ugaystaan goobaha muhiimka ah ee magaalada sida baananka iyo meelo kale

Waxaana ay ciidamada kaxaysteen qaarkamida gadiidkii dawlada oo kamid yahay  gaadhigii  dabdamiska iyo  kuwo kale.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faah Faahsan;

 

COMMENTS
LINKS