WAJAALE NEWS

“Fawdada Iyo Qaska Ku Habsaday Jig jiga, Waxa U Sabab Ah Kililka Shanaad Oo Loo Maamuli Jiray, Qaab ka Duwan Kililada Kale”Prof Cabdi Cali.

Isbeddelka Ethiopia iyo Kililka Shanaad.

Arrinka ka dhacay kililka Somaliada ee illaa immika aan ka dhicin qawmiyadaha kale, maxaa keenay? Ma laga fursan karayay? Maxayse ku danbayn?

Fawdada iyo qaska ku habsaday Jigjiga, waxa u sabab ah Kililka shanaad oo loo maamuli jiray qaab ka duwan kililada kale; masuulka u sarreeyaa wuxu xulafo la ahaa dawladda Addis-ababa ee lagu kacsanaa; sidaa darteed tabashada Somalidu lamay jaan qaadin cabashada iyo kacdoonka ay wadeen qawmiyadaha ugu badan ee Amxaarada iyo Oromada. Wuxu ku sii jiray kililku xaaladdii militari ee lagu cabudhin jiray dadka gobolka.

Markii taladu noqotay in ra’iisal wasaarihii is casilo, oo Ahmed abey meeshii yimaaddo, wuxu hoggaankii u go’ay Abdi Iley iyo kooxdiisii Jigjiga, waxana hanqalkii la soo kacay kooxihii ONLF, Dulmi-diid iyo kuwii kale ee la midka ahaa, maadaama ay iska cadayd in Abdi Iley iyo kooxdiisu aanay la jaan-qaadi karayn isbeddelka ka dhacay dal-weynahah Ethiopia, laba sababood awgood; waa ta hore,e iyadoo la fahnsanaa in maamulka Cabdi Iley aanu ka danbayn karin saaxiibadiisii Addis-ababa ee xilka ka degay iyo iyadoo l la ogyahay Cabdi Iley iyo kooxdiisu in aanay aaminsanay is-beddelka , lahayna awoodii caqli iyo cilmi ee ay ku fahmi kari lahaayeen nooca iyo baaxadda isbeddelka taariikhiga ah ee Ethiopia gashay.

Qawmiyadah Amxaarada iyo Oramada waxa keenay in ay ka duwanaadaan kililka Somalida iyagoo marka hore-ba isbeddelku ahaa mid iyagu ay keeneen; hawshana ay hore u soo dhammaysteen oo ay la soo kifaaxeen taliskii hore ee Cabdi Iley saaxiibka la ahaa;

Somalida Ethiopia kamay qayb qaadan kacdoonka dimuqraadiyad doonka, balse waxa jirtay uun qaab-fekerkii hore ee ONLF iyo jabhadihii xooga ku raadinayay xuquuqda shacabkooda iyo Ina Iley oo sutida u hayay isagoo ka wakiil ah dawladdii dhacday ee Adisababa;

Nasiib daroo ama nasiib wanaag waagii ayaa ku baryay Cabdi Iley iyo jabhadihii iyo shacbigii kililka intoodaba; halgankii dheeraa ee jabhadaha waxa ka soo dheereeyay nasri kale oo ka yimid kacdoonka qawmiyadaha Amxaarada iyo Oromada, is-beddelkaas oo ku baaqaya dimuqraadiyad, xuquuqal insaan iyo maamul wanaag; taasoo ah intii loo halgamayay.

Maamulkii Abdi iley muu fahmin is-beddelka dhacay wuxu xambaarsan yahay iyo waaga cusub ee baryay; is bad-baadin haddii ay ka ahaydna, waxa u roonayd inuu si nabad ah u wareejiyo maamulka gobolka; halka immika uu horseeday kacdoon isir-nacayb ah oo uu gobolkiisii iyo dadkiisii ku baa;biiyay. Haddii uu ka baqayay in lagu soo oogo danbi, wuxu la mid nqon lahaa markasta saaxiibadiisii macallinka ugu ahaa wuxu sameeyay; haddii uu naawilaayay in cimri siyaasadeed u hadhayna, waxay ahayd caruurnimo inuu sidaa u fikiro.

Immika iyo haatan waxa hawl wayni u taallaa dawladda Federalka ah iyo wax-garadka Somalida sidii gobolka looga saari lahaa xaaladda go’doonka siyaasadeed iyo fikir ee uu kaga jiro dalka iyo sidii loo soo gaadhsiin lahaa ethiopiada kale ee waaga cusub ku naaloonaysa; taasina waxay u baahan tahay hawl adag iyo xikmad badan; waxana ay tusaale xun ama wanaagsan u noqon kartaa gobollo kale sida kan Tigreega oo isaguna ahaa mid aan la socon kacdoonka, balse ahaa kii lagu kacsanaa.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia oo xasisha, dadkuna helaan xuquuqdooda ka maqnayd qarniyada waxay naruuro u tahay Geeska Afrika oo dhan, iyo guud ahaan Afrika.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac u Dhaq-dhaqaaqa Arrimaha Bulshada Iyo Maamul-wanaagga.

Exit mobile version