Kulan Jigjiga ku dhex maray Saraakiil iyo odayaasha dhaqanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Jigjiga ku dhex maray Saraakiil iyo odayaasha dhaqanka
August 11, 2018 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Magaalada Jigjiga ayaa maanta waxaa kulan isugu yimid odayaasha dhaqanka iyo wafdi saraakiil sare ah oo ka soo duulay magaalada Addis ababa. Kulanka wuxuu dhex maray Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu oo dhinac ah, iyo Odayaasha dhaqanka.

Arrimo amniga u badan iyo rabshadihii todobaadkii hore dhacay ayey ka wada hadleen, waxayna saraakiishu odayaasha u sheegeen in ujeedada ciidanka ay u soo farageliyeen arrimaha kililka ay tahay sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Waxay kaloo intaa ku dareen “in aan loo dulqaadan doonin”, waa sida ay hadalka u dhigeene, “in cidi ay hub qaadato oo dibadda ay u baxdo”.

Odayaasha dhaqanka ayaa iyagana raalli gelin iyo garawshiyo ka bixiyey dhibaatooyin loo gaystay kaniisado iyo meherado ay lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyado aan Soomaali ahayn, kuwaasoo wararku ay sheegayaan in ay reerahooda iyo hantidoodaba la baxayaan.

“Waxa dadkaas ku dhacay waa wax annaga nagu dhacay, waxaan u sheegaynaa in ay is dejiyaan, ayaguna way qaateen” Sidaas waxaa BBC u sheegay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee saraakiisha la kulmay.

Kulanka waxaa fadhiyey madaxweyne ku xigeenka cusub, Xamdi Aadan Cabdi, oo ku sime u ah madaxweynaha dhawaantan la doortay ee DDSI, Axmed Cabdi Sh. Maxamed.

Arrintan ayaa ku soo beegantay Iyadoo magaalada Addis Ababa uu shir uga socdo dawladda federaalka Itoobiya iyo xubno ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Shirkaas oo maalintii labaad loo fadhiyo ayaan weli wax natiijo ah laga hayn.

COMMENTS
LINKS