WAJAALE NEWS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isla gartay in la dar-dargeliyo Qorshaha lagu Raadinayo Nabadda Soomaaliya

HARGEISA WAJAALENEWS;Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in Soomaaliya Amniga iyo horumarinta, iyagoo dhanka kale dalalka caalamka ugu baaqay inay laba jibaaraan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Kulan xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku yeesheen xaruntooda ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed sheegay in goluhu uu ku baaqayo in la dar-dargeliyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii ka jirtay iyo weliba dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa muujisay sida ay uga xun tahay dhibaatooyinkii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay hoteelka Jasiira ee Muqdisho iyagoo tacsi u diray dowladda Soomaaliya iyo ehellada dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyadii habeen ka hor ka dhacay hoteelkaas, kuwaasoo Al-shabaab ay sheegatay inay mas’uul ka tahay.

Sidoo kale, golaha ammaanka ayaa ammaanay howlgallada ay Soomaaliya ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka taageeraya dowladda Soomaliya dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in falalka argagixisada aysan carqaladeyn karin howlaha lagu raadinayo nabadda Soomaaliya, isla markaana aanay waxba ka bedeli doonin mowqifkii ku aaddanaa in la taageero Soomaaliya, iyadoo goluhu uu intaas ku daray in kooxihii ka dambeeyay qaraxyadii lagu weeraray hoteel Jasiira la horkeeno cadaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dallaka ku jira Qaramada Midoobay ay taageeraan dowladda Soomaaliya,  ayadoo loo eegayo waajibka saaran  oo hoos-imaanaya xeerarka caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahya inay taageeraan dowladda Soomaaliya si looga hortago falaalka ka horimaanaya nabadgalyada

Billowgii bsihii November ee sannadkii hore ayaa Qaramada Midoobay waxay  meel mariyeen sharci K.M.G. ah oo ogolaanaya in ciidammo gaaraya 4000 oo askari oo dheeraad ah lagu biiriyo AMISOM lana ballaariyo howlgalka ay ku jiraan si loo xoojiyo qorshaha nabadeynta Soomaaliya.

 

WAJAALENEWS DESK

CONTACT;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version