WAJAALE NEWS

Imaaraadka oo dhisaya dhuun shidaalka qaada oo isku xidhi doonta Itooiya iyo Eritrea

Addis Ababa (WJN) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegtay in ay dhisi doonta dhuumo shidaalka qaada oo isku xidhi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asab ee dalka Ertirea.

Wakiilada Wararka Fana ayaa lagu sheegay in xogtan lagu soo bandhigay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Kulanka lagama bixin faah faahin intaa dhaafsiisan, laakiin madaxa shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo lagu magacaabo Fitsum Arega ayaa sheegay in sidoo kale maal-gashigan uu khuseyn doono dhinacyada “warshadaha, beeraha, hantida maguurtada, (iyo) dhuumaha saliida.”

Tallaabadan Imaaaraadka ayaa noqoneysa mid ka mid ah caalamadaha ugu waaweyn ee saameynta dowladda Imaaaraadku ku yeelaneyso Geeska Africa.

Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay in kaalin-weyn oo muuqata ku laheyd wada hadaladdii lagu soo afjaray colaadii 20ka sano u dhaxeysay labada dowladood ee Itoobiya iyo Ertirea, Imaaraadku saldhig weyn militeri ayuu ku leeyahay magaalada Asab ee dalka Eritrea.

 

 

Exit mobile version