Waa Maxay Ujeedadda Ugu Weyn Ee Madaxweyne Muuse Biixi Dib Ugu Qarameeyey Haamaha Shidaalka Berbera? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Ujeedadda Ugu Weyn Ee Madaxweyne Muuse Biixi Dib Ugu Qarameeyey Haamaha Shidaalka Berbera?
August 11, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Xukuumaddii Hore Ee Somaliland oo Iyaddu Hore Ugala soo wareegtay shirkaddii Total oo haysatay heshiis muddo 30 sano ahaa, Ayaa sanadkii  2015-kii hadana ku wereejisay Maamulka Haamaha kaydka shidaal Berbera . Shirkado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin, kuwaasi oo la magac-baxay “Berbera Oil Group “(BOG), Waxaana muddo jiray guux iyo muran lagu diidan yahay. kuwaasoo shirkadahaasi qaarkood Ay hore shidaalka u keeni jireen. halka inta kalena ay cusbaayeen oo la aasaasay ama ay la dhasheen hindisihii wareejinta Haamaha Shidaalka. Siday xogga waqtigaasi tibaaxeen .

madaxwayne biixi iyo haamaha

Xaalku si kastaba ha ahaado’e Shirkadahaasi lagu wareejiyay waqtigaasi Haamaha , Ayaa waxa ka mid ah; Red Sea, Hass, Som Petrolium, Som Oil, Liibaan Petrolium, Alwaarid Petrolium iyo Waraabe Petrolium. wuxuu heshiiskaasi ahaa muddo 30 sano ah. Iyaddoo dadweynaha Somaliland badidoodu ka soo horjeeday go’aanka xukuumaddii hore ku wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera, taasina waxay keentay in : Golaha wakiiladda ay shirkadahaasi lagu wareejiyey Haamaha kaydka shiidaalka go,aan sharci oo diidmo, ku ansixiyaan oo weliba aqbalabiyad ku qotoma  in aanu xitaa madaxweynuhu soo celin Karin.

Laakiin waxaa la-yaab noqotay markii Xildhibaano 20- ka kooban oo uu horboodaayo Gudoomiyaha gudi hoosaadka G/wakiiladda ee ilaalinta hantida Qaranka Xildh. Naasir Cali Shire  ay saxeexeen mooshin kale oo qaab farsameysan loo soo dhigay . isla-markaana sida la sheegay ay shirkadaha shidaalka daba-ka riixayaan iyo baqasho xukuumadda Cusub laga qabay. taasi oo markaasi jirtay muddo Afar bilood ah.  Aakhirkiina waxaa mar kale : la hor geeyey golaha wakiiladda oo cod aqlabiyadda hadana ku ogolaaday.

Hadaba xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Muuse Biixi, Ayaa ah mid lagu xasuusan doono talaabadda wanaagsan ee ay go’aamisay Iyo in la burburiyo heshiisyadii lagula wareegay adeegyada Haamaha Shidaalka (BOG), shirkadahaasi oo intii ay gacanta ku hayeen tan iyo 2015kii khasaare xoogan ayaa soo gaadhay Bulshada qaybaheeda kala duwan iyada oo dhowr jeer lagu shubay shidaal aan nadiif aheyn ama Shidaal xabag leh oo ay shirkadahaasi dalka ku sii daayeen. taasi oo Xukuumada Somaliland iyo Hayadeeda fayo dhowrku . Ay ku fashilmeen in ay si dhaba u kantaroolaan oo ay awood buuxda dul-dhigaan ama la wareegaan Sheybaadhka fadhiidhka noqday ee yaalay Xarunta Kaydka shidaalka ee Berbera.

Si-kasta oo ay Tahayba marka Shidaalka Haamaha kaydka qaranka lagu shubo . Waxa Masuuliyada shidaalku markiiba ku soo wareegaysaa Dawlada Somaliland sidaa daraadeed dhibaato kasta oo uu keeno shidaalka xun ayey masuuliyadeedu dowlada u taallaa. sidaa dardeed markasta danta qaranku ayey ku jirtaa.  in Haamaha kaydka shidaalka Berbera ay gacanta dawlada ku jiraan . madaama Ay dhacday in aan laabka iyo haamaha midna aanay dawladdu gacanta ku haynin, waxaanay noqdeen laba meelood oo gaar loo wada yeeshay. taasi oo ay gabi ahaanba xukuumaddu maanta la soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.

Hadaba hawsha ugu muhiimsan ee dawlad kasta lagu qiimaynaayo waa talaabooyinka haboon ee ay qaado. Iyaddoo Mudane Madaxweyne aad qaaday go.aan wanaagsan gaar ahaan hantiddii Qaranka ee ku jirtay gacmaha Ganacsiyadda gaarka loo leeyahay. waana talaabadii ugu horaysay ee ay qaaday xukuumadaadu. tan iyo markii ay la wareegtay hogaaminta dalka taasi oo noqonaysa mid runtii mug iyo miisaanba xambaarsan kuna qotonta wanaaga iyo  horumarka wadanka.  Hadaba, waxaa la sugayaa talaabada ku xigta ee aad qaadi doonto iyo sida in aad ka baraan dagtid isla-markaana aad ka fiirsato ,cida ku haboon ee aad u magacabayso xilalka Maamulka Haamaha shidaalka Berbera.

 

Qalinkii; Adan Yusuf Elmi

COMMENTS
LINKS