“Haamaha Waan Bogaadinayaa, Hal DP World Ahna Waan ku Darayaa, In Yar Oo Fiqiga Maamulka Ah”.Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Haamaha Waan Bogaadinayaa, Hal DP World Ahna Waan ku Darayaa, In Yar Oo Fiqiga Maamulka Ah”.Prof Cabdi Cali.
August 11, 2018 - Written by Editor:

Xukuumadda Waxan ku bogaadinayaa in ay Haamaha gacanta dawladda ku soo celisay; waxana kaga filan in aanu jirin xeerka PPP act. waxan waliba ku talin lahaa xataa haddii la sameeyo xeerkaas, in haamuhu noqdaan waxa ugu dambeeya ee dawalddu wareejiso, sababo badan awgood.

CABDI CALI IYO MUUSE

Markaan soo hadal qaado DP world, yaan loo qaadan in aan leeyahay iyadana ha laga noqdo; runtii markaan idiin sheego qaladka dhacay, iyadaa ka sii liidata wareejinta Haamaha iyo madaarka; laakiin mar haddii aynu wax la galay dad ajnabi ah, si aanay inoogu keenin kalsooni darro xagga caalamka ah, waxa odhan lahaa ha la saxo uun.

Haamaha iyo madaarka iyaga markii la wareejinayay hal qalad bay galeen, laakiin mid way saxeen; halka wareejinta Dekadda la galay laba qalad. Wareejinta haamaha sida wareegtada lagu sheegay qaladka kowaad wuxu ahaa in sharcigii Public Private Parntership (PPP) oon jirin, la abuuray shirkad ay wada leeyhihiin dawladda iyo ganacsatadu. Laakin wareejinta Dekadda, waxay dhacday iyadoonu jirin PPP act isla markaana qaladka kale ee la galay waxa weeye iyadoon la samayn shirkad ay wada leeyihiin dawladda iyo ganacsatada DP world. Haddii ay jirto shirkaddaasi maxaan u maqli waynay magaceeda; waa in uu noqdo magac aan ahayn DP world ama Berbera Port Authority.

 

In kastoo isla qodobada wareegtada M/weynahu ku buriyay heshiiska haamaha lagu burin karo heshiiska dekadda, haddana waxan soo jeedin lahaa, in aan sidaa la samayn, si aanay sumcaddu innooga xumaan, mar haddii dad ajaanib ah aynu heshiis la galnay. Waxan odhan lahaa aan saxno uun; Allow yaa ogaada, waxay Carabta UAE ku qoslayaan sida aynu uga dhacsanahay. sawtii la lahaa meesha nin aqoon yahan weyn ah ayaa yar-yarka la socday; igaba dhan.

 

Prof Cabdi Cali Jaamac; U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

COMMENTS
LINKS