“Golaha Wakiiladu Xaq Uma Laha Intay Laaluushka Gurtaan Oo Mooshin Kasta Iyaga la Mariyo, In Dad Aan Xilba Qaranka U Haynin Ay Suuqa Uga Yeedh Yeedhaan”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Golaha Wakiiladu Xaq Uma Laha Intay Laaluushka Gurtaan Oo Mooshin Kasta Iyaga la Mariyo, In Dad Aan Xilba Qaranka U Haynin Ay Suuqa Uga Yeedh Yeedhaan”Cali Guray.
August 12, 2018 - Written by Editor:

XEERKII HORE TUUR KU DAMBANA DIID

Golaha Wakiiladu xaq uma laha intii laaluushka gurtaan oo mooshin kasta iyaga la mariyo in dad aan xilba qaranka u haynin ay suuqa uga yeedh yeedhaan oy iska dhigaan kuwo u daacad ah dadka ay hoojiyeen ee shan sanadood mushahar xaq ugu lahaa ee dhawr iyo toban sanadood xaaraan aanay xaq u lahayn ka guranayay.

siilaanyo iyo golaha wakiilada

Kuwee Xildhibaano sheegan karo? Sharciga keliya ee heshiiska ku yihiin waa XEERKII HORE TUUR XEER CUSUBNA DIID. Haddii kuwaa xal laga sugo doorasho dalka ka dhacaysaa ma jirto. Hadda ma nasteex baa moodaysaan iyo hor Ilaahay? Waar rag baa la lululanayaa ee soo ciyaara la leeyahay? Iyagu in kastoo aanay kuwani geyin in loogu yeedho xildhibaano ee magacooda rasmiga ahi marka Ilaahay laga baqayo ay yihiin XIL-MA-DHIBAANO hadii gole sharci ku fadhiya uu noqon lahaa Barlamanka Somaliland labadiisa aqalba baadhista iyagaa iska bilaabi lahaa. Kuwani waa maroodigii takarta isaga saaran aan arkayn ee ta ka kale saaran arkayay. Kuwani waxay u qalmaan in inta loogu galo aqalka mid mid looga soo tukhaantukhiyo. Waxay ogyihiin in cid cid la xisaabtami kartaa aanay jirin. Kuwa ay u yeedh yeedhayaan ee hor tegaya ayaa ka liita may yidhaahdaan Waaryaadha maynagii Cali geri ahayn baa isu askariyaynatna?

Markay xilka hayeen sawkuwii caabudi jiray ee marka ay xafiisayadooda tagaan wax walba ka aqbali jiray.

Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray)

COMMENTS
LINKS