Somaliland Iyo Somaliya Soddon Sano Oo Midnimo Hungow Ah, Iyo Soddon Wax Yari ka Dhiman Yihiin Oo Aynu Kala Dawlad Aheyn!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Somaliya Soddon Sano Oo Midnimo Hungow Ah, Iyo Soddon Wax Yari ka Dhiman Yihiin Oo Aynu Kala Dawlad Aheyn!!
August 13, 2018 - Written by Editor:

Somaliland markii ay gobanimada ka qaadatey ingiriiska 26 june 1960kii, maalmo kooban ka dib markii somalia la siiyey 1 July 1960kii xornimada, kula bahowday dawladeedii dawladnimo loo bixiyey Jamhuriyada somalia.

Dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadii Somalia ee ahaa Somaliland iyo Somalia oo midoobay wuxuu dhisnaa 30 sano oo waliba soddonka somali is eeday iskuna baratay marka aad taariikhda daraasayso.

Maxamed dhimbiil

9 sanadood oo xukuumado rayid ahi talinayeen iyo 21sano oo kali talis ahaa, 9 sano oo 21ka ka mid ahaa reer somaliland dibada ayay u baxeen oo jabhad ayey ahaayeen, in badan oo horena gudaha in wax laga saxo ayaa wakhti badan ka qaadatey.

Somaliland waxa ay ka aamin ka baxday in wax wada lahaanshaha somali aanu aheyn mid waaraya oo lagu hungoobay 1961kii markii saraakiishu isku dayeen inqilaabka ee uu ka fashilmay.

Halganadii toosinta iyo raadinta somali cadaalad iyo sinaan ku dhisani sidii ay u socdeen ayaa waxa dhacay inqilaabkii 1969kii ee kacanka October ee ciidamada, iyada oo tabashada iyo filashadii dawlad soomaliyeed oo wax tarta dadku quus ka joogaan.

Inqilaabkii ciidanka jacayl laguma soo dhaweyn ee waxa dadku islahaa maadaama oo kuwii aad u hanweynaydeen waxba qaban waayeen malaha ciidamada ayaa idiin dhaama oo aad baa loo soo dhaweeyey.

Maalintaa inqilaabkii 21 Oct 1969kii waxa la laalay shuruucdii iyo rabitaankii dadka iyo waxii la dhigtay ee dadku doorashada ku keeneen waxaana lagu badelay shuruuc ciidan oo ay wateen kooxdii inqilaabka kuwada socotay.

Wadatashi iyo wax doorasho iyo talada aynu wada yeelano wax lagu badelay amar qaado, wax baa iga maqan iyo waxbaan qabaa wax lagu fasirey kacaan diid, ilaa ay soo gaadhay ku qosle kabtan kufay iyo ku tiirsade gaadhi sarkaal iyo car juuqdhe oo hadal.

Laalidii iyo xoogii lagu qabsadey iyo amar ku taagleyntii ciidamadii la wareegay talada ee maxamed siad hogaaminayey midhihii ay dhashay iyo waxii ka soo baxay waa waxa halkaa somali sii kala geeyay, iyada oo marka horeba reer somaliland ilduuf iyo degdeg dawladnimadoodii ugu sadqeeyeen jacayl somalinimo iyo 5 somali oo dawlad kaliya isku noqda.

Haddaba maanta waxa 3 sano ka dhiman yihiin 30 guuradii dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland iyada oo aduunyadu aanay aqoonsi ka haysan hadana Somaliland waxa ay qabsatey waa wax aan wadamada aduunka intooda badani aanay qabsan.

Somaliland waxa aad doonto ayaad ka hadli kartaa, cida aad doonto ayaad dhaliili kartaa, xaqa kaa maqan baad sheegan kartaa, hadii aad waxba ka garan waydo maalinta doorashada ayaad codkaaga iyo ka dadka aad ka wakiilka tahay ku aarsan kartaa, urur siyaasiya ayaad furan kartaa madaxweyne ayaad isku sharaxi kartaa, wax kasta oo aad tabanayso waa la bogsiin karaa, isku arag in aad dalka leedahay oo aan lagaa lahayn.

Maanta waxa aan ugu jeclaa Somaliland in aan arko qof u doodaya danyarta dalka oo cidwalba leh deegaan walba leh reer walba leh oo si guud uga hadlaya shaqo la’aanta, biyo la’aan ama cafimaad ama waxbarasho ama adeeg kasta oo dawlad looga baahan yahay waa gar.

Somaliland marka aynu aduunka la garnaqsanayso iyo Somalia waxa aynu leenahay iyaga iyo inagaba horta maxaa inala gudboon?

Haddaba markay halkaa marayso somaliland maxaa la gudboon?

Somalia maxaa la gudboon?

Beesha caalamka iyo dawladaba jaarka ay yihiin Somaliland iyo Somalia maxaa la gudboon?

Midowga Afrika maxaa la gudboon?

Jaamacada carabta maxaa la gudboon?

Somaliland waxa la gudboon in ay dedaalka iyo horumarka sii libin laabno yoolkeenuna noqdo 30 guurada in aqoonsi buuxa Somaliland hesho.

Somalia waxa la gudboon in ay si niyadsami iyo wanaag ah Somaliland u aqoonsadaan una arkaan wehelka iyo walaalka qudha ee ay leeyihiin oo aanay xaasidin.

Beesha caalamka iyo dawladaha jaarka waxa la gudboon in ay si cadaalad ah u soo dhex galaan arinka Somaliland iyo Somalia oo ay xataa taariikhda baadhaan bal 30kii sano ee dawladii Jamhuuriyada somalia jirtey maxaa dhacay sidee la isku ahaa, yaa wax gaadheen waxii ay somali wada lahayd halkuu ku dambeeyey calankii iyo ciidankii soomaali wada lahayd yaa loo adeegsaday…iyo wax badan oo kale

Midowga Afrika waxaa la gudboon in ay raacaan sida ay qorayaan shuruucda midowga Africa in xuduudihii 1960kii ay aqoonsan yihiin in qaranka jamhuuriyada Somaliland aqoonsadaan, waa xaq ay Somaliland leedahay oo 27sano laga horjoogo arinkaasi.

Jaamacada carabta waaxaa la gudboon in ay Somaliland u arkaan dal kale oo u soo kordhay oo wax uun taraya, somali iyo ururka jaamacada carabtana aan faaiido iyo wanaag mooyee wax kale aanay u arag.

Soddon guurada qaranimada Somaliland insha Allah waxa aan rajeynayaa in ay noqoto mid waa cusub oo kale Somaliland u baryi doono aduunka inaga dhaga adaygayna inoo noo soo noqon doono.

Somaliland guul midnimo iyo walaalnimo ayaan inoo rajeynayaa insha Allah.

Ilaahay baa mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh scw

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS