WAJAALE NEWS

Wafti Ka Socda Itoobiya oo Gaadhay Dalka Jabuuti

Djibouti (WJN)- Wafti balaadhan oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa waxa ay maanta gaadheen dalka Jabuuti.

Waftigan ayaa waxa ay wasiirka arimaha dibedda ee dalka Jabuuti ay kala hadleen xaaladaha qurba joogta Itoobiyaanka ah ee halkaa ku nool halkaasi iyo sidii loo sugi lahaa ammaankooda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa ka dib markii dhawaan rabshadihii ka dhacay magaalada Dhirdhaba ee dalka Itoobiya ay ku dhinteen dad Jabuutiyaan ah, taasoo dhalisay cabsi ah in aargoorsi lagula kaco dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan waddanka Jabuuti.

 

Exit mobile version