Ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Ronaldo oo Cisbitaal la dhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Ronaldo oo Cisbitaal la dhigay
August 13, 2018 - Written by Reporter:

Ciyaaryahan Ronaldo oo Koobka Adduunka la qaaday dalkiisa Brazil ayaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu qabaw ku dhacay.

Ciyaartoygan hore ayaa la dhigay cibtaalka isaga oo aad u xanuunsan waxaana la filayaa in laga saaro.

Ronaldo ayaa 62 gool u dhaliyay qarankiisa Brazil, waxaana ka mid ah labadii gool ee ay Jarmalka kaga qaadeen Koobka Adduunka 2002dii.

“Hargab xun ayaa igu qabtay Ibiza, balse xaaladdu way dagan tahay” ayuu Twitterka ku soo qoray Ronaldo.

Ciyaartoygan oo Real Madrid afka hore uga ciyaari jiray ayaa taageerayaashiisa uga mahadceliyay jacaylka iyo wanaaga ay u rajeeyeen, kooxaha kale ee uu u soo ciyaaray waxaa ka mid ah Barcelona, Inter Milan iyo AC Milan.

 

ronaldo_brazil

COMMENTS
LINKS