Qisso Yaab Badan : Yaa Aabahay Qaatay? W/Q: Yusuf Rooble Xirsi (Sandoon) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qisso Yaab Badan : Yaa Aabahay Qaatay? W/Q: Yusuf Rooble Xirsi (Sandoon)
August 13, 2018 - Written by Editor:

Dalka Sacuudiga guri ku yaala ayaa waxaa wada deganaa niman shaqaale Masaari ah iyo nin u dhashay dalka Hindiya oo haysta Diinta Hindooska. Sida aad fahmi kartaan Masaarida iyo ninkan Hinduuska ahi isku dhaqan iyo isku cunto midna maa aha, raashinkana ma wada karsadaane qola kastaa dhinaceeda ayay wax u karsataa waxna u cuntaa ,kaliya waxaa ka dhaxeeya saxiibtinimada guud oo ah mid aad u fiican.

sandoon

Wakhti xiliyada ka mida ayaa ninkii Hinduuska ahaa safar ugu baxay dalkiisii,balse furahii gurigiisa ayaa waxa uu uga tagay nimankii Masaarida ahaa ee jaarka la ahaa,si hadiiba ay dhacdo in guriga wax looga baahdo ay uga sii warhayaan.

Nimankii masaarida ahaa ayaa maalin maalmaha ka mida iyaga oo Cunto karsanaaya,ayaa waxa ay arkeen in ay ka dhamaatay Xawaashkii budada ahaa ee ay cuntada ku darsanayeen,kadibna si kadiso ah ayaa waxa ay u xasuusteen in ay ka heli karaan guriga saxiibkooda Hindooska ah ee safarka ku maqan Furaha gurigiisana ay hayaan oo uu uga tegay.

Waxa ay galeen gurigii ninka Hindooska ,Albaabkaba inta aanay dhaafin waxa ay la kulmeen hal Quraarad oo aad u qurux badan isla markaana ay ku jirto waxoogaa yar oo Budo tumana,waa ay qaateen waxaanay la kor yimadeen dharigoodii oo dabka u saaran, ku darsade waxna kamay reebin ,markuu u bislaadaynay waa aay cuneen.

Muddo ka bacdi ayaa ninkii Hindooska ahaa uu safarkii kasoo noqday,salaan iyo isbariidin ka bacdi furahii gurigiisa ayuu kasoo qaaday saxiibadii Masaarida ahaa,soo gal gurigiisii, halmar isu diyaargaree tartiibtii iyo suujuuda caadada u ahayd isaga oo markaasi labada Sacab isku daboolaaya ,isdul-qotomi Miiskii uu Quraarada ku ogaa ,halmar ayay Indhahiisu waxa ay qabteen in Miiskaba aanay Quraradii oolin oo ay ka maqan tahay ; dhawaaq iyo qaylo dadkii oo dhan ka fajicisay ayuu kor ula qayliyey, isaga oo luqadisii ku hadlaaya “jabba nahiihee ,aree-baabuu jodhee-jodhee bad-kharaabnee iwm bal adba.

Hadaba qaylada Hindooska waxaa markiiba maqlay nimankii Masaarida ahaa ee ay saxiibada ahayeen ,degdeg ,orod iyo isdabayaac waxa ay kusoo galeen gurigii saxiibkooda Hindooska ah,markay arkeen ninkii oo murugo awadeed hadalba kasoo bixi la yehay waxa ay afka Carabiga ku su’aleen “maxaa kugu dhacay ? kuyee “AABAHAY YAA QAATAY”?! Masaaridii waxa ay fahmiwayeen saxiibkood Aabahan uu sheegaayo,waayo iyaga ogaalkooda waxa ay war ku hayaan in wakhti hore uu uga sheekeeyey in uu Aabihii geeriyooday.

Masaaridii oo wali aan fahmin jawaabta saxiibkood siiyey ayaa su’aal labaad ku celiyey iyaga oo leh “AABAHEE ? ABAHAA MIYAANU DHIMAN”?! Hindooskii hadana waxa uu hadal ku bilaabay “MEEDAY QURARADDII AAN MIISKAN KAGA TEGAY? waxa ay ugu jawabeen Masaridii “anaga ayaa qaadanay oo Filfishii iyo Xawaashkii budada ahaa ee aanu cuntada ku darsanaynay ayaa naga dhamaaday, kadibna waxoogaagii yaraa ee Filfisha ahaa ee Quraarada kuugu jiray ayaanu ku darsanay cuntadii aanu karsanay , balse annaga ayaa kusoo iibin doonna! Hindooskii oo xanaaq Cirka maraaya ayaa waxa uu yidhi “WAAR QURAARADA WAXAA IIGU JIRAY DANBASKII MARKAAN ABAHAY GUBAY AAN KALA HADHAY ,IMINKA MARKAAN IS IDHI SALAANNA WAAN WAAYEY”! nimankii Masaarida ahaa markii ay maqleen hadalka Hindooska waxa ay u qaybsameen mid qosla,mid Mantag la jeesta,mid isla markiiba ay calooshu xanuunto,mid murugo awadeed dhabanada qabsada iyo mid yaaban.

 

Dunidan aynu ku nool nahay maytida Geeriyoota qaarba sibaa loo Xabalaa,inagu madaamaa aynu nahay dad Muslim ah waxa aynu dadka inaga Geeriyooda u Xabaalnaa sida ugu fiican ee qof la Xabaalo ama loo aaso,waxa aynu u qodnaa god kadibna si tartiiba oo shareecada Islaamka waafaqsan ayaynu u aasnaa.

Hadaba saxiibayaal hadii aad ka mid tahay dad yawga ku dhexnool dadka Ajanibiga ah ee kala dhaqanka iyo kala Diinta ah,waxa aad iska jirtaa in aad isticmaasho waxkasta adiga oo aan waxba ka waydiin cida waxan iska leh .

W/Q: Abwaan Yusuf Rooble Xirsi (Sandoon)

COMMENTS
LINKS