Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Soo Celiyo Wakaaladii Korontada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Soo Celiyo Wakaaladii Korontada Hargeysa
August 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” oo xilal Badhasaabnimo ka soo qabtay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, kana mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay talaabadii uu Madaxweyne Muuse Biixi qaaday ee uu dib gacanta Xukuumada ugu soo celiyay Maamulkii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera iyo Amniga Madaarka Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS, waxaana uu madaxweyne  Muuse Biixi ugu baaqay in dib gacanta Xukuumada ugu soo celiyo Wakaalada Korontada Hargeysa.

Siyaasi Mustafe Shiine oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan. “Waxa wadadii toosnayd loo qaaday tallaabadii uu madaxweynuhu dib ugu soo celiyay hay’dihii halbowlaha ahaa ee qarankani lahaa oo ay ka mid ahayd maamulka haamaha shidaalka ee Berbera.

Inkastoo lagu diirsaday haddana waxa baraha bulshada ee dadweynuhu intooda badani ay isku raacsan yihiin inay jiraan hay’ado kale oo lama huraan ah,kuwaasi oo nolosha dawlada iyo shacabkaba meel weyn ka geli lahaa, hadduu Mudane Muuse Biixi uu soo celiyana ay u noqon lahayd guul la taaban karo oo qaranka u soo hooyey sanandkiisii ugu horeeyay xili xafiiseedkiisa.

Hay’ada ugu weyn ee la hadal hayaa waa wakaaladii korontada ee qaranka oo ku dhacday gacmo shacab, isla markaana ay rag xafiisyo waaweyn fadhiyaa sheerar hoose ku lee yihiin.

Wakaaladii korontada ma jirto wax lagaga bedeshay qaranka, mana jirto maalgelin la taaban karo oo ay ku sameeyeen ama iibsi lacagi ka soo xarootay ogaalkay, haddaanan qaldanayn.

Tusaale ahaan hay’adaha dawlada waxa shirkada la wareegtay ay ka qaadaa lacag, sidaa si la mid ah iskuulada iyo goobaha kale ee bulshada.

Tan labaadna tabardarada iyo dhiigmiiradka shirkadahani waxa ay meesha ka saarayaan in dalkeenu uu yeesho wershado waaweyn oo wax inoo soo saara, maadaama aanay kari karin iyagu lacagta faraha badan ee ay shirkadahani ku iibiyaan unitka, shirkadaha laydhkuna aanay awood ahaan u diyaarsanayn.

Haddaba Madaxweyne waxaan maanta jeclaystay inaan kuu soo gudbiyo aragti ah in qarankeenu uu lahaan karo wakaalad koronto, taasi oo aan kaaga baahnayn maalgelin balaadhan, balse aasaas iyo sharcigii lagu hagi lahaa uun u baahan.

Waxa jirta in dalka aynu jaarka nahay ee ETHIOPIA uu lee biyaha ka dhaliyo korontada, qiimo aad u jabana aynu kaga heli karo, welibana ay bilaash ku siinayaan dhamaan goobaha dawlada iyo goobaha waxbarashada iyo cibaadada.

Mudane Madaxweyne waxa dabayaaqadii 2017kii intii aan Badhasaabka ka ahaa Awdal aan socdaal ku tegay wershad weyn oo kudaafada magaalada Addisababa lagaga dhalinaayo laydh, waxana aan booqday xsfiiska shirkad ay dawlada Ethiopia u ogolaatay inay laydhka Somaliland u soo talaabiso, kuwaasi oo intuu kulankayagu socday tiirarkii laydhka u soo talaabiyay dhinaca xadka Somaliland, iyagoo warqad ka haystay Madaxweyne xigeenka.

Haddaba waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa in dedaalkaasi ay wiiqeen ganacsato waaweyn oo uu u horeeyo Ina Aw Siciid oo doonaya in halkii santi ee dalkani soo geli lahaa dawlada jeebkeedana ku dhici lahaa ay la wareegaan.

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan kuu soo jeedin lahaa inaad abuurto wakaalada tamarta qaranka, kuna soo saarto xeer golaha wakiiladu ansixiyaan oo qeexaaya jiritaanka wakaaladaa hoosna keenaya dhamaan shirkadaha yaryar ee shacabkii cunaha haya, kuwaasi oo ay dawladu siin karto sheer kooban oo ka madaxbanaaneynaya maamulka hay’ada inay faraha la galaan.

Haddii taasi aad ku dhiiratana waxa iman doonta in shacabku ka raysto dhiigmiiradka oo halkii unit ay ku helaan 30 cent., sodonkaa oo ay dawladuna ku yeelan doonto 5 cent dhamaan hay’adaha dawlada iyo goobaha waxbarashada iyo cibaadaduna ay bilaash noqon doonaan”.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS