Madaxweyne Ku-xigeenka DDSI oo Qirey In Ay Jireen Tacadiyo Dhacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka DDSI oo Qirey In Ay Jireen Tacadiyo Dhacay
August 14, 2018 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa uu markii ugu horaysay uu qiray in ay tacadiyo badani oo aan layska indha tiri karin ay ka dhaceen dawlad deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka dawlad deegaanka Mudane Xamdi Aadan Cabdi, ahna wasiirka arrimaha deegaanka, oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacayu magaalada Jigjiga ayaa waxa uu  yidhi “Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabudhsanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaan dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa”.

Hadaladan waa kuwa aad uga duwan kuwii hore looga bartay madaxda deegaanka iyo dadka ku sugan gudaha deegaanka.

 

COMMENTS
LINKS