Hub Tiro Badan oo Lagu Qabtay Waqooyiga Dalka Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hub Tiro Badan oo Lagu Qabtay Waqooyiga Dalka Itoobiya
August 14, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)-Wararka naga soo gaadhay dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in boqolaal hub ah lagu qabtay waqooyiga Itoobiya.

Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in meel buunddo ah hosteed ka heleen ilaa 425 alaadaha qarxA oo lagu qariyay halkaasi.

Hubka ayaa la sheegay in la qorsheyanayay in loo daabulo caasimmada gobolka Tigreega ee Mekele.

Mana cadda waxaa la doonayay in loo adeegsado waxyaabahan qarxa.

Tirada bulshada qowmiyadda Tigreega ah ayaa ah mid yar dalka Itoobiya marka loo barbardhigo bulshooyinka kale, xisbiga Tigreega ee TPLF ayaa muddo tobbonaan sanno ah hoggaaminayay dalka Itoobiya.

 

itoobiya

COMMENTS
LINKS