Madaxwayne Muuse Biixi Oo Durba Qaaday Jidkii Macalinkiisii Siyaasad Iyo Falanqeynta Shacabka Ee Safiirka Dalka UAE Oo kamida Qoyska Madaxtooyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Oo Durba Qaaday Jidkii Macalinkiisii Siyaasad Iyo Falanqeynta Shacabka Ee Safiirka Dalka UAE Oo kamida Qoyska Madaxtooyada.
August 14, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu Shalay soo saaray waxa uu  ku magacaabay masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa, isaga oo sidoo kale badalna ku sameeyay qaar ka mida safiirada  Somaliland u fadhiyay  wadamada  caalamka halka mid ka mida safiiradaasna xilkii uu ka caydhiyay.

MUUSE IYO INANKA UU SODOGA U YAHAY

Hadaba Madaxwayne Biixi ayaa safiirka Somaliland u fadhiya Emaraadka carabta u magacaabay Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye,

Magacaabista safiirka emaraadka Carabka ayaa noqotay Mida   loogu hadalhaynta badan yahay tan iyo intii ay soo baxday magacaabistani.

Iyada oo Xogaha laga helayo ujeedada ka danbaysa in magacaabista safiirka Emaraadka carabta tahay Dhinaca  xidhiidhka qoys ee ka dhaxeeya madaxwayne Muuse Biixi  .

filashada cusub

Safiirkan cusub ayaa ka mida qoyska madaxtooyada somaliland iyadoo ay Edo u tahay marwada koowaad ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo iyaduna ah Sahra Cabdilaahi Cabsiiye  halka safiirka cusubna yahay Xasan Hirad Yaasiin Cabsiiye.

Arintan ayaa noqonaysa mid mugdi galinaysa rajadii isbadal ee laga qabay xukuumada madaxwyne Muuse Biixi iyo filashadii Shacabka in uu ka leexday, Qaadayna jidkii madaxwaynihii xilka ku wareejiyay  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo lagu dhaliili jiray oo isagu hore safiirka Emaraadka carabta ugu magacaabay Baashe Cawil Cumar oo uu sodog yahay.

Balse madaxwayne Biixi ayaa durba qaaday jidkii xukuumadii Siilaanyo oo xukuumadiisu u badnayd dad ay qaraabo yihiin qoyskiisa.

Si kastaba ha ahaatee talaabadan madaxwayne biixi ku magacaabay safiirka cusub ee Emaaraadka carabta u fadhiyi doona Somaliland ayaa banaanka keentay ujeedada ku lamaan in marba madaxwaynaha talada dalka qabtaa uu xilkan ku aamini kari waayo qof kale oo ka baxsan qoyska madaxtooyada oo reer Somaliland ah  isla markaana lagu xushay aqoon iyo karti laga qabo in uu shaqada qaranka kasoo boxo wallow ay taasi waxba kama jiraan ka dhigtay hab dhaqanka hogaamiyayaasha talada dalka la kala wareegay iyo danta ay ka leeyihiin safaarada Dubai oo shacabku su’aalo badan iska waydiinayaan burjiga u galay madaxwaynayaasha isku xisbiga ah, iyada oo ay muuqato in safaarada Emaaraatku noqotay xil gacaltooyo u ah kolba cida la xididka ah madaxtooyada.

Ugu danbayntii tani ayaa markhaati u ah  in madaxwayne Biixi qaaday jidkii saaxiibkii siilaanyo oo siyaasadoodu tahay Mid marba Marka ka Danbeysa Ay Wax Badan iskagaga Mid Noqonayaan.

Waxaana Shacabka Somaliland Ka Wada dheregsan yahay in Wakiilkii Somaliland U Fadhiyey Dalka UAE uu Ahaa Safiirka ugu Awooda Badnaa Dhinaca Qoyska Madaxtooyada ee Madaxweyne Biixi islamarkaana Ay u suuro gashay inuu mansabka Xilakan uu Qaranka u hayo ku hirgashado mashaariico faro Badan oo Qaar Kood Ka shaqeeyaan Dalka emaaraadka Carabka Sidoo kalena gacmo badan ku lahaa Heshiisyadii kala Duwanaa ee ay Xukuumadu la gashay Shirkada Dp World iyo Saldhiga Milateri ee Dawlada Imaaraadka Carabtu ka Dhisaneyso magaalada Berbera.

Isku Soo Duuduuboo Talaabadan Madaxweyne Biixi Ku magacaabay Safiirkan Cusub Ayaa Noqonaysa Shacabku Ku Sifeeyeen “Kud ka Guur oo Qajo u Guur” Islamarkaana Aaney jirin Wax habayaraatee La Odhan karo way kagaga Duwan tahay tii hore ugu magacaabay Macalinkiisii Siyaasadu ee Madaxweyne Siilaanyo Wiilkii uu Sodoga u ahaa.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS