Maxaa Sababay Qiima Dhaca Ku Yimi Lacagta Lira Ee Dalka Turkiga? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababay Qiima Dhaca Ku Yimi Lacagta Lira Ee Dalka Turkiga?
August 14, 2018 - Written by Reporter:

Qiimaha lacagta Turtkey ee Liira ayaa samaysay hoos u dhaac wayn, marka la bar bar dhigo lacagta dollarka, hoos u dhacan ayaa ku soo beegmay wakhti uu dhaqaalaha turkey uu samaynayo koriin xaawli ah oo lagu qiyaasay xadiga koriinkisa 7 percent kana dhigaya dalka Turkeyiga mid kamida wadamada uu dhaqaalahoodu si dag daga uu u koraayo.

Hadaba qolyaha maalgashada dalka Turkey ayaa aad uga warwarsan kordhoka qiimayasha ee sababay sicir barar lagu qiyaasay 10 percent, sidoo kale Turkey oo alaabo badan dabada ka soo dhoofsada , isaguna dhoofiya alaabooyin badan  balse hada u muuqda inuu ku jiro waxaa loo yaqano Trade Dificit, sidoo kale waxaa dawlada Maraykan ku soo rogtay cashuur laban lab ah (doubling of Tariffs)  gaar ahaan Almuniyamka (Aluminum  20% iyo Birta Steel 50%) lagu farsameeyo dalka Turkey taas oo iyana caqabad wayn ku noqonaysa xidhidhki ganacsi ee u dhaxeyey labada dal ee ka wada tirsan NATO oo khilaaf badan oo siyaasaded soo kala dhexgalay mudoyinka dambe, iyadoo xaladu sii xumatay markii dawlada Turkigu xidhay baadari maraykan.

Turkey oo ku dadalaya inuu kor u qaado qiimaha lacagtiisa ayaa sameyey inuu 34 Billion dollar ku kharash garayn dono nidaam cusub oo dib u habayn lagu samayn doono dhaqaalaha turkega kaas oo dawlada turkeygu ay kharash garayn doonto Millions of dollar.

Suuqyada caalamiga ah (International Financial Market) ayaa turkeyga ku dhaleeceya inuu hoos u dhigo nidaamka interst rate inkastoo bangiga dhexe ee dalka Turkeyga uu kor u qaaday xadiga dulsaarka ( Interest Rate) si uu u ilaaliyo qiimaha isku badalka lacagaha joojiyana hoos u dhaca ku socda lacagtiisa Liiraha, maalgashayashada caalamiga ah waxay aad uga war warsan yihiin hoos u dhaca lacagta Turkey e Lira oo ah marka loo eego qiimaha Dollarka, sidoo kale Bank stocks oo lumiyey qiimihi ugu badnaa mudo 9 sano ah. Waxaana qolyaha dhaqalaha khabiirka ku ahi sheegen in wali nidaamyada bangiyada ee turiga yahay mid awood badan leh.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoganayaa isna ugu baaqay in dhamaaan dadka Turkeyga ah ee haysta lacagaha Dollarka,Euro iyo Dahabka ay dhamaan ku badashaan lacagta Lira ee Turkeyga leyahay, una diyaar garooban sidii ay isaga difaaci lahayeen dagaalka ganacsi ee Turkeyga lagu soo qaday, balse kuma dag dagaayo inuu cashuur badan ku soo rogo alaabta lagu farsameeyo dalka maraykanka sababto ah waxay sii kordhinaysa caqabada sicir barar ee ka jirta dalka Turkiga.

Hoos u Dhaca ku yimi lacagta Turkiga ee Lira maxayku keeni  kartaa caqabad dalka Turkiga

Ø  hoos u dhac wayn oo ku imanaya heerka maalgashi ee dalka turkiga

Ø   qiimao dhac balaadhan oo ku yimaada awooda lacagta dalka Turkiga oo sabab sicir barar baahsan

Ø  Bangiyo badan oo ku shaqaynayay nidaamka interest rate oo kici doona.

Ø   Wax soosarka guud ee dalka Turkiga oo hoos u dhici doona

Ø    Ugu damabayntii dhaqaaalaha guud ee dalka Turkiga oo mudooyinki dambe si fican u korayay ay samayn ku yelan donto isagoo u muuqda inuu gali doono xalad adag

 

.W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

mukhtarian.net@gmail.com

00252-634241542

 

COMMENTS
LINKS