Siyaasi Mustafe Shiine oo Si Dadban Ugu Jawaabay Wasiirka Maaliyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Si Dadban Ugu Jawaabay Wasiirka Maaliyada Somaliland
August 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” oo xilal badhasaabnimo ka soo qabtay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, Kana mid ah saraakiisha sar sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyada Somaliland oo aflagaado iyo erayo anshaxa ka baxsan ku weeraray  Taliye Caare.

Siyaasi Mustafe Shiine oo qoraal uu arintan kaga jawaabayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa waxa uu dhignaa sidan.”Beribaa nin wasiir ah oo madax noo ahaa intaan masuuliyiinta wargeyska dawlada joogtay ka midka ahaa ii yeedhay, dabadeed wuxu I weydiiyay tacshiirad habeenimadii dhacday, anigoon burkaba bahal ka dayin baan ugu jawaabay “wax weyn maahayn, qaar sakhraamiina ayaa booliska xabad ku riday “.

Wasiirkii oo durba wejigiisii uu is bedelay ayaa si cadho leh iigu jawaabay ” maxaad sakhraan uga jeedaa, dadku wuu wada cabaayee falka dhacay baan ku weydiiyay orodoo xafiiskaagii isaga noqo”.

Wasiirku nin karti badan buu ahaa oo hawlkar ah,balse intaasuu lahaa.

Hadda wasiirka maaliyada ee leh xiligii sakhraamiinta waa la dhaafay burkaba bahal kama eegin, golaha uu ku jiro uun hoos ha u eego oo saaxiibadii ha ka daayo maaga, isna ha ogaado jaadkaba waa lagu sakhraamaa oo dadka qaar hadaladaasi oo kale ayuu ka keenaa ee si weyn u hadal dheh, dusha sare uun “the bigger picture “.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS