WAJAALE NEWS

Dadaallo Nabadeed oo Ka Socda Magaalada Diridhaba

Diri-dhaba (WJN)- Magaalada Diri-Dhaba ee dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro iskudhacyo ay dad ku dhinteen oo dhawaan halkaasi ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Arrintan ayaa waxaa isku xilqaamay odayaal dhaqameed ka kala socda labada dhinac, kuwaas oo maalmahanba lahaa shirar looga golleeyahay soo afjaridda qalalaasahaas.

Guddi ayaa loo saaray, go’aanno ayey soo saareen, waxaana lagu wadaa in dhawaan heshiis la gaadho.

Exit mobile version