WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Raali Gelin Siiyay Shirkada Dahabshiil

Hargeysa (WJN)- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxaa uu raali gelin ka bixiyay war bixin musuq maasuq ah oo ay dhawaan soo saareen guddida dabo galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golahaasi oo qeyb ka mid ah shirada Dahabshiil la soo galiyey.

Gudoomiyaha Wakiilada ayaa sheegay in shirkada Dahabshiil war bixintaasi laga soo galiyey iibinta line-ka Booliska Hargeysa, islamarkaana shirkadu golaha u soo gudbiysay qaabkii ay ku iibsatey iyo lacagtii ay siisatay oo uu sheegay in lacag dheeri ah ka raacdey shirkada.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/LrClC7dre-I

 

Exit mobile version