Afarta Nooc Ee Musuq-maasuqa Siyaasadda. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afarta Nooc Ee Musuq-maasuqa Siyaasadda. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
August 15, 2018 - Written by Editor:

Musuq-maasuq siyaasadeed waa mid ka mid ah dembiyada ugu Waaweyn ee dhaca xiligan casriga ah. Kiisaska siyaasiyiinta  iyo xadgudubka ku takri falka  awoodda ayaa la yaab leh Liistadan soo socota waxay sharraxaysaa qaar ka mid ah noocyada ugu caansan ee musuqmaasuq siyaasadeed oo ka dhici kara dhammaan heerarka siyaasad dowladeed.

cabdiraxman qore

Waa maxay musuqmaasuq siyaasadeed?

Ficil kasta oo ka dhan ah xeerarka la dejiyey ee nidaamka  dawladda ayaa loo qaadan karaa musuqmaasuq,

Qof kasta oo sarkaal ah oo isticmaala awoodda xafiis siyaasadeed oo loo doortay  ee uga  faa’iidaysta si shakhsi ahaaneed ama qorshe shakhsiyeed wuxuu ku xadgudbayaa kalsoonida xafiiska Tallaabooyinka noocaas ah waxaa loo tixgeliyaa musuqmaasuq siyaasadeed.

Noocyada Musuqmaasuq Siyaasadda

1) Laaluushka Lacagta : – Laaluushku lacagtu wuxuu noqon karaa mid ka mid ah noocyada ugu badan ee musuqmaasuq siyaasadeed Qeexidda laaluushku waa ficilka lacag ama badeeco iwm  si is dabamarin ah  loo maamusho.

Tusaale ahaan xubin ka mid ah golaha magaalada ayaa qandaraas ku siin kara mid ka mid ah qandaraasle maxali ah 1500,000 doollar ku siiyo qandaraas cusub oo horumarineed kaas oo ku kacaya wax ka yar lacagta lagu qandaraasay mashuuraca.

2) Lunsiga:- Qaar ka mid ah saraakiisha waxaa loo  xilsaara kormeerka lacago badan Lacagtan waxaa loo qoondeeyn karaa mashaariicda maxaliga ah sida dib u dhiska dhismaha ama heshiisyada horumarinta. Haddii sarkaalku kormeerayo mashaariicdani uu qayb ka mid ah isticmaalo lacagta waxay noqonays lunis hanit guud.

3) Isdaba-marinta:- Xafiisyada siyaasadeed waxay awood u siin karaan saraakiishooda in ay awood u leeyihiin. Marka sarkaal uu isticmaalo awooddiisa iyo saameyntiisa si uu ugu hanjabo qof kale si uu u dhaqmo hab gaar ah sarkaalku wuxuu ku kacayaa musuqmaasuq siyaasadeed.

4)  Xulashada :- Wakiilada la doorto inta badan waxaa laga filaa in ay ku dhaqmaan caddaalad iyo qaddarin ku salaysan balan qaadkooda doorashada ama xulashada ka hor marka la soo xulo kadib hadii uu la yimado waxii  lagu xushay wax ka duwan  tusaale ahaan waxa la arkaa inta badan siyaasiyiin la yimada qodobadii  ay balan qaadeen wax aan u dhawayn oo baal marsan oo ay iyagu soo xusheen arinta noocaas ah waxa la yidhaa xulashada shakhsiga (personal preferred) waana nooc ka mid ah kuwa ugu xun musuqmaasuqyadda ka dhaca siyaasadda.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid  (Dalmar

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS