Atletico Madrid oo guul daro waji gabax ah gadhka u gelisay Real Madrid iyo Simeone oo Atletico u horseeday Koobka UEFSA Super Cup | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Atletico Madrid oo guul daro waji gabax ah gadhka u gelisay Real Madrid iyo Simeone oo Atletico u horseeday Koobka UEFSA Super Cup
August 16, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Atletico Madrid ayaa guuldaro wayn gadhka u galisay kooxda Julen Lopetegui ee Real Madrid waxayna Atletico ku guulaystay koobka UEFA Super Cup, kadib markii ay wakhtigii dheeriga ahaa ee finalkii koobkan ay Madrid ugu awood sheegatay 4-2.

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta barbaro 2-2 ah isla dhaafi waayay, laakiin kooxda Diego Simeone ayaa laba gool oo deg deg ah la timid wakhtigii dheeriga ahaa si ay koobkan uga qaado kooxda ay xifiltamaan ee Real Madrid.

Wax walba oo ay Real Madrid iskugu dayday in ay iskaga soo celiso goolasha xaalada xun loogu abuuray ayay awoodi wayday waxayna 120 kii daqiiqo ee ciyaartu ku dhamaadeen 4-2 ay Atletico Madrid guusha kaga gaadhay Real Madrid.

Lopetegui ayaa waji gabax wayn ku furtay waayihiisa Real Madrid, iyada oo Diego Simeone oo kursiga kaydka ka ganaaxnaa uu guuldaro wayn badalay Lopetegui kaas oo hadda ka fikiri doona sidii uu u sixi lahaa qaladaadkii kooxdiisu ay ku wayday koobka UEFA Super Cup.

 

4828

 

 

COMMENTS
LINKS