12 Arrimood Oo Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Cakiran Ee Udhexeeya Turkiga Iyo Mareykanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
12 Arrimood Oo Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Cakiran Ee Udhexeeya Turkiga Iyo Mareykanka!
August 16, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Waxaa in muddo ah cirka isku shareeray xiisadda udhaxaysa dalalka  Turkiga iyo Mareykanka taasi oo xiligan maraysa meel adag  hadaba marka si dhow loo eego arimaha uu salka ku hayo waxaad ogaan-doontaa in arrintu ka wayn tahay  dhaqaale iyagoo Labada dal kalama maarmay  marwalba.

TURKI IYO USA

Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso, 12 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka

Arrimmaha Khilaafka:

Dagaalka Ciraaq: Labada Dhinac waxaa ay si hoose isugu arkeen faragelinta mid walba uu ku sameeyay dalka Ciraaq.

Suuriya: Dalka Turkiga waxaa uu Suuriya ka sameeyay dagaal ka dhan ah Daacish halka Mareykanka ay hub iyo taageero siiyey dagaalyahannada Kurdish-ka. Kooxda uu Mareykanka hubka siinayo waxaa ay Turkiga u taqaan argigixiso.

TURKI IYO MARAYKANKA

Andrew Brunson: Waa wadaad Mareykan ah oo 23 sano ku sugnaa Izmir, Turkiga, ninkan waxaa la xidhay October 2016 kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga iyada oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo iyo inuu argigixiso taageerayey. Halka Madaxweynaha Mareykanka Trump  uu ninkan ku sheegay wadaad fiican, oo gardarro lagu xidhay.

Fethullah Gulen: Dhinaca kale, Ankara waxa ay marar badan codsatay in loosoo dhiibo wadaadka Fethullah Gulen oo ah nin dhibaato badan ka geystay gudaha Turkiga, caqabadol joogta ahna ku haya xasiloonida dalka Turkiga iyo dowladda uu hoggamiyo Erdogan.  Turkiga waxa ay doonayaan in labada nin la isku badasho, laakin Mareykanka ayaa diidan.

Dhaqaalaha Turkiga: Xilliga la joogo ma xuma dhaqaalihiisa, oo sanadkii waxa uu sameeyaa kor u kac 3-4% ah, laakin Mareykanka waxaa uu ku hayaa cadaadis. Bangiga dhexe waxa uu diiday inuu fa’idada kor u qaado, taasina waxa ay leedahay sameynteeda.

Hoos-u-dhaca Liraha: Waxaa hadda jira in dalalka Yurub ee deymaha siiya Turkiga ay wal-wal ka qabaan hoos u dhaca qiimaha Liraha, kaas oo gaadhay 40% marka loo eegeo Dollarka Mareykanka.

Baahida Mareykanka:

Arrinta NATO: Turkiga kuma eka xulufo, laakin waa dalka 2aad ee ugu ciidamada badan 29-ka dal ee NATO.

Xuduudda Ciraaq iyo Suuriya: Dagaalka uu Mareykanka ka wado dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaa uu u baahan yahay in saanad uga timaada dhulka iyo cirka, cidda ka caawin karta waa Turkiga.

Iran: Turkiga waxaa uu xad lala leeyahay Iran, oo Mareykanka ay cadaadis dhinac walbo ku hayaan, waa arrin xun in labadaasi dal ay u heshiiyaan.

Black Sea: Turkiga waxaa uu jooga Black Sea halkaas oo Ruushka ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan, waxaan jirta baahi ah in la kala ilaaliyo labadan dal inay xulufo noqdaan.

Qaxootiga: Turkiga waxa uu dunida ka haya 3.2 Milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, go’doominta Mareykanka uu ku hayo waa mid ka hor imaaneysa in dadkaasi la caawiyo.

Xidhiidhka Isra’il: Turkiga waxaa uu ku jiraa dalal yar ee muslim ah oo xidhiidh wanaagsan la leh Isra’il, Mareykanka waa ku qasban yahay inuu arrintaas ka fakiro.

HARGEISA SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJANEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS