“Magacaabista iyo Xilka Qaadista Farmaajo Ku Sameyay Hay’addaha Nabad Gelyada Ma Aha Kuwo Xulasho Xirfad, Aqoon iyo Waaya Aragnimo Lagu Doortay”.Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Magacaabista iyo Xilka Qaadista Farmaajo Ku Sameyay Hay’addaha Nabad Gelyada Ma Aha Kuwo Xulasho Xirfad, Aqoon iyo Waaya Aragnimo Lagu Doortay”.Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur
August 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u dhaliishan siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay xilka qaadista iyo magaacabay lagu sameeyay hay,addaha amniga ee Soomaaliya.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal koobaan oo uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan.”Magacaabista iyo xil ka qaadista hay’adaha nabad gelyada ma aha kuwo xulasho xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo lagu doortay. Mana aha talaabo u adeegaysa ujeedkii ahaa dhismaha ciidan Qaran oo nabadgelyada xajiya, Alshabaab ka guulaysta, AMISOM na kala wareega masuuliyada Amniga.

Waxaa ka muuqata qof jeceleysi, iska indha tir waaqaca deegaan ee laga hawlgelayo iyo u dabac sanaan Alshabaab, maadaama xubnaha qaar la oran karo waa taliyayaal labada dhinac.

Waxaa muuqata in ay laba midkood tahay,

1- Quus iyo jahwareer, maadaama isbdelka caynkaan ah uu markii afraad yahay.

2- ama tijaabo san ka taabasho oo la mid ah tii Jubaland lagu dayey, dhici kartana in la qaado talaabooyin dad badan lagu beegsanayo, taasoo colaad hor leh hurin karta.”

 

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

COMMENTS
LINKS