“Xidhiidhka Soomaaliya Nagala Dhaxeeya Wuxuu Sii Ahaan Doonaa Mid Xooggan”.Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xidhiidhka Soomaaliya Nagala Dhaxeeya Wuxuu Sii Ahaan Doonaa Mid Xooggan”.Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti
August 17, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu ka hadlay xidhiirdhka labada dowladood ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti oo boggiisa Twitter-ka oo dhigay qoraal koobaan oo uu arintaasi kaga hadlayo ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xidhiidhka walaal-timo ee labada dowladood.

COMMENTS
LINKS