War Deg Deg Ah: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Xilkii Laga Qaaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Xilkii Laga Qaaday
August 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wararka hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews ayaa waxa ay sheegayaan in xilkii laga qaaday gudoomiyihii gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu sheegay  xilka qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Gudoomiyiha xilka laga qaaday uu soo bandhigay warbixin musuq maasuq oo uu ku eedeeyay inay ku kaceen qaar ka mid ah Wasiiriidii hore ee Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkado dalka laga leeyahay,Kuwaas oo qaar ka mid ah eedahaas uu raali gelin ka bixiyay gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Si rasmi ah looma cadayn cida bedelaysa gudoomiyaha xilka laga qaaday laakiin wararka aanu helayno ayaa tibaaxaya in xilkaas loo magacaabay Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

 

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS