Tobanka dumarka ah ee ugu dakhliga badan gabdhaha ciyaartoyda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tobanka dumarka ah ee ugu dakhliga badan gabdhaha ciyaartoyda
August 22, 2018 - Written by Reporter:

Siddeed ka mid ah 10 ciyaartoy ee ugu dakhli badan dumarka waxay ciyaaraan tayniska, waxaana ka mid ah Serena Williams oo kaalinta koobaad ka gashay liiska jariiradda Forbes.

Serena lacagtii ka soo gashay billadaha ay ku guulaysatay sannadkii hore ayaa ahayd $62,000 maadaama oo ay 14 billood nasasho ah ka qaadatay ilmaheeda awgii, balse waxaa soo galay 18 milyan oo doolar oo xayaysiimo ah.

 

 

Tobanka dumarka ah ee ugu sarreeya PV Sindhu iyo Danica Patrick oo kali ah ayaan ka ciyaarin teyniska.

Bishii Junne wargeyska Forbes oo daabacay 100-ka ciyaartoy ee dakhliga ugu badan uu soo galo ayayna ka soo muuqanin dumar, ka dib markii ay shaxdaas ka baxday Sarena.

Floyd Mayweather oo ah feedhyahan Maraykanka u dhashay ayaa liiskaas u kormaray waxaana ku soo xigay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo kubbadda cagta ciyaara.

Tobanka dumarka ah ee dakhliga ugu badan uu ciyaaraha ka soo galo ayaa helay 105 milyan oo doolar marka la isku daro intii u dhaxaysay bishii Junne ee 2017 ilaa Juunyo 2018.

Tobanka dumarka ah ee ugu dakhli badan gabdhaha ciyaartoyda ah

  1. Serena Williams – $18.1m (£14m)
  2. Caroline Wozniacki – $13m (£10.1m)
  3. Sloane Stephens – $11.2m (£8.7m)
  4. Garbine Muguruza – $11m (£8.5m)
  5. Maria Sharapova – $10.5m (£8.1m)
  6. Venus Williams – $10.2m (£7.9m)
  7. PV Sindhu – $8.5m (£6.6m)
  8. Simona Halep – $7.7m (£6m)
  9. Danica Patrick – $7.5m (£5.8m)
  10. Angelique Kerber – $7m (£5.4m)

 

COMMENTS
LINKS