Pique: Waanu soo Dhaweyneynaa Pogba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Pique: Waanu soo Dhaweyneynaa Pogba
August 27, 2018 - Written by Reporter:

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa maanta sheegay in ay aad ugu soo dhaweyn doonaan garoonka Nou Camp haddii uu laacibka dalka France iyo kooxda Manchester United Paul Pogba uu doonayo inuu yimaado Barcelona.

Pogba ayaa la sheegay inuu xidhiidh aanan wanaagsaneyn kala dhaxeeyo hadda macallinka kooxda United Jose Mourinho taasoo keentay in lala xidhiidhiyo kooxda heysata horyaalnimada Spain ee Barcelona.

Gerard Pique Speaks About Paul Pogba Possibly Signing For Barcelona

“Aad baan ugu farxi laheyn inuu noo yimaado isaga (Pogba), wax yar ayaan ka ogahay waxa hadda ku heysta Manchester iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Mourinho iyo Pogba.” ayuu Pique u sheegay maanta wariyaasha.
Pogba oo ah 25 jir ayaa ka mid ah laacibiinta ugu qaalisan dunida kubadda cagta. Wuxuu bishii July u qaaday xulka France koobka aduunka.

Barcelona xagaagan waxay soo iibsatay afar ciyaartooy oo uu ku jiro laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Arturo Vidal, laakin wali waxay kusoo dari karaan ciyaartooy kale ka hor inta aan la gaadhin 31-ka bishaan oo uu xidhmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Spain.

 

COMMENTS
LINKS