WAJAALE NEWS

Tottenham oo guuldraddo qadhaadh bidday Manchester Utd

Kooxda Manchester United ayaa xalay guuldarro qadhaadh kala kulantay ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League oo ay la ciyaatay kooxda Tottenham Hotspur, kadib marki United looga badiyay 3-0.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Manchester United ee Old Trafford ayaa dhalinyarada macallin Jose Mourinho ay mar kale soo bandhigeen ciyaar aysan ku qancin taageerayaasha gaar ahaan dhinaca difaaca oo ay ka liiteen.

Goolasha ay Tottenham ku badisay laba ka mid ah waxaa dhaliyay Lucas Moura, halka goolka kalana uu saxeexay Harry Kane.

 

Dhamaan saddexdaasi gool ayaa yimid qeybti danbe ee ciyaarta. Waa guuldarradii labaad oo xidhiidh ah oo Manchester kasoo gaadhay horyaalka Ingiriiska saddexdi kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Guuldarradaan ayaa cadaadiska kusii kordhineysa macalin Mourinyo oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in maamulka Man Utd uu shaqada ka eryo.
Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa maalmahan qorayay in tababarihi hore ee Real Madrid Zinadine Zidane lagu baddali doono tababare Mourinho.

Exit mobile version