WAJAALE NEWS

Goolkii Cristiano Ronaldo ka dhaliyay Juventus oo noqday goolkii ugu qurxoonaa 2018-ka

Gool uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda uu hadda u ciyaaro ee Juventus ayaa noqday goolki ugu qurxanaa sannadkaan 2018-ka.

Cod uu u qaaday xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee EUFA ayuu goolka Ronaldo kaalinta koowaad ka galay goolashi lala tartansiiyay.

Ronaldo ayaa goolkaasi dhaliyay isaga oo u ciyaaraha kooxda Real Madrid ciyaar ka tirsaneyd koobka kooxaha horyaallada Yurub.

Kaalinta labaad waxaa galay gool uu ciyaaryahan Dmitri Payet oo u ciyaara kooxda Marseille ka dhaliyay RB Leipzig wareegii semi-final-ka Yurub Liig ee xilli ciyaareedki hore.

 

Exit mobile version