Isku aadka Champions Leauge oo la sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku aadka Champions Leauge oo la sameeyay
August 30, 2018 - Written by Reporter:

Waxaa maanta la sameeyay isku aadka koobka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions Leauge ee xilli ciyaareedka 20018/2019.

C.Ronaldo ayaa dib ugu laaban doona Manchester, marka ay Juventus iyo Manchester United isku arkaan group-ka H.

Dhanka kale, safka ugu adag ayaa lagu tilmaami karaa midka B ee ay kooxaha Barcelona, PSV, Intermilan iyo Tottenham ay is wada arki doonaan.

Kulanka ugu horreeya ayaa la ciyaari doonaa September 18, iyadoo Finalkuna lagu qaban doono gegida Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano, June 01, 2019-ka.

Waxay kooxuhu isku arki doonaan sidan.

Group A: Atletico Madrid, Dortmund, Monaco, Club Brugge
Group B: Barcelona, Tottenham, PSV, Inter Milan
Group C: PSG, Napoli, Liverpool, Red Star Belgrade
Group D: Lokomotiv Moscow, Porto, Schalke, Galatasaray
Group E: Bayern Munich, Benfica, Ajax, AEK Athens
Group F: MAN CITY, Shakhtar, Lyon, Hoffenheim
Group G: Real Madrid, Roma, CSKA Moscow, Viktoria Plzen
Group H: Juventus, MAN UTD, Valencia, Young Boys

Dhanka kale, waxa laacibka ugu wanaagsan ee Yurub ku guuleystay ciyaaryahanka reer Croatia iyo naadiga Real Madrid Luca Modric, oo abaal marintan kaga adkaaday saaxibkiisii hore C.Ronaldo iyo weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah.

 

COMMENTS
LINKS