Wararkii u dambeeyey ee ciyaaraha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii u dambeeyey ee ciyaaraha
August 31, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Burnley ee ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ayaa xalay ku guuldaraysatay inay usoo baxdo tartanka Europa League ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen kooxda Olympiakos ee Giriigga ka dhisan. Olympiakos ayaa lugtii hore ee ciyaartan kusoo adkaatay 3-1.

Maantana waxaa la samayn doonaa isku aadka kooxaha ka ciyaaraya Europa League oo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Chelsea.

Xalayna waxaa la sameeyay isku aadka kooxaha ka ciyaara Horyaalka Yurub ee Champions League.

Wararka ugu waaweyna waxaa ka mid ah kooxaha Manchester United iyo Juventus oo isku guruub ah, taasoo ka dhigan in Cristiano Ronald uu ka hor iman doono kooxdiisii hore ee Man United.

Tottenham iyo Liverpool ayaa kooxo adag ku hagaagay oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo PSG.

COMMENTS
LINKS