Orodyahan guuleystay isagoo kab la’an ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Orodyahan guuleystay isagoo kab la’an ah
September 3, 2018 - Written by Reporter:

Orodyahan u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Conseslus Kipruto ayaa muujiyay dhabar adeeg si uu ugu guuleysto orodka saddexda kun ee mitir, kadib markii mid kamid ah kabihii uu xidhnaa ay ka baxday xili uu ka qeyb galayaya tartanka IAAF Diamond oo ka dhacayay magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Mr Kipruto ayaa markii uu usoo gudbay qeybta kala wareega ee tartanka waxaa ka baxay kabta bidix, hasayeshee uma uusan joojin oo halkii ayuu kasii waday tartanka.

.

Markii uu soo dhamaaday tartanka ayaa Mr Kipruto mar wax laga weydiiyay waxa uu dareemay markii ay kabtu ka siibatay ayaa waxaa uu sheegay inay jahwareer ku keentay, balse ay kusii dhiiragelisay inuu sii dedaalo.

Ninkan oo markii ay kabtu ka baxday dhaawacmay ayaa waxaa uu wareegii ugu dambeeyay tartanka kaga adkaaday orodyahan kale oo u dhashay dalka Moroco oo lagu magacaabo Soufiane El Bakkali.

” Aad bay u adkeyd oo ay u xanuun badneyd inaan ordo anigoo hal kab oo keliya xidhan, balse aad ayay ii dhiiragelisay” waxaa sidaasi bartiisa twiter-ka ku qoray Kipruto.

Markii Mr Kipruto uu soo gaadhay heerka gebagebada ee tartanka ayaa waxaa qeylo iyo sawaxan isku daray dadkii daawanayay tartanka, iyagoo na la dhacsanaa dedaalka uu muujiyay.

Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya, Wiliam Ruto ayaa aad u bogaadiyay dedaalka Mr Kipruto.

Ma ahan markii ugu horeesay oo orodyahan ay ka siibatay mid kamid ah kabaha uu ku guuleystay tartanka. Waxay aheyd sannadkii 2011-ka, markii orodyahan u dhashay dalaka Itoobiya oo lagu magacaabo Dejen Gebremeskel uu isna ku guuleystay tartan kan oo kale isagoo hal kab oo keliya ku ordaya.

 

COMMENTS
LINKS