Seddex xiddig oo isugu soo hadhay abaalmarinta FIFA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Seddex xiddig oo isugu soo hadhay abaalmarinta FIFA
September 3, 2018 - Written by Reporter:

Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA ayaa ku dhawaaqday magacyada ciyaartooyda isugu soo hadhay abaalmarinta xiddiga ugu fiican caalamka (FIFA The Best) isreereeb dheer kaddib.

Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah Iyo Luka Modric ayaana la soo doortay kuwaas oo helay codadka ugu badan oo ay bixiyeen Ciyaartoyda, Tababarayaasha, Wariyayaasha iyo sidoo kale taageerayaasha kubadda cagta ee fursadda la siiyey.

Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah

Waa abaalmarintii labaad oo ay saddexdaan mushaarax isugu soo hadhaan iyaga oo ku tartamay abaalmarinta UEFA Best Player, mar kale ayey masraxa tartanka abaalmarinta ka soo wada muuqan doonaan.

Cristiano Ronaldo wuxuu ku taramayaa inuu ku guuleystay koobka horyaalada yurub ee UEFA Champions League iyo sidoo kale gool dhalintiisa, halka Luka Modric uu ku tartami doono si la mid ah Ronaldo tartanka yurub iyo inuu gaadhay final-ka koobka Adduunka.

Mohamed Salah wuxuu yimid final-ka tartanka Champions League, wuxuuna hantay gool dhalinta horyaalka Premier League isagoo sidoo kale jabiyay dhawr rikoodh oo Liverpool ah, mana dhaafin meel ka dheer wareegga group-yada koobka Adduunka.

24-ka bishan September ayaa abaalmarinta lagu bixin doonaa magaalada London.FA

 

COMMENTS
LINKS