Salah wuxuu u qalmaa inuu ku guulesyto abaal marinta FIFA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Salah wuxuu u qalmaa inuu ku guulesyto abaal marinta FIFA
September 5, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha (CAF) Ahmad Ahmad ayaa rajo weyn ka muujiyey inuu Mohamed Salah uu ku guuleysanayo abaal marinta FIFA The Best.

Ahmed wuxuu inta ku daray Salah haddii ay guusha raacdo “Guushaasi ma aha mid u soo hoyatay dalka Masar oo keli balse waxay sheraf weyn u tahay ayuu yidhi qaaradda Africa guud ahaan”.

“Waxaa rajeenayaa in Mohamed Salah uu kaga guuleysan doono abaal marintan FIFA xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić”.

Maxamed Salah iyo mdaxweynaha CAF Ahmad Ahmad

“Salah abaal marintan wuu u qalmaa marka loo eego waxqabadkiisa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu ka sameeyay kooxda Liverpool”.

Xidigaha Cristiano Ronaldo, Luka Modrić iyo Mohamed Salah ayuu xidhiidhka kubada cagta aduunka ay ku dhawaaqday inay isugu soo hadheen tartanka abaal marinta xiddigga caalamka ugu ciyaar wanaagsan ee loo yaqaanno FIFA The Best.

 

 

COMMENTS
LINKS