Tabbaraha xulka kubadda cagta Nigeria oo shaqada laga joojiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tabbaraha xulka kubadda cagta Nigeria oo shaqada laga joojiyay
September 5, 2018 - Written by Reporter:

Tabbabaraha xulka kubadda cagta ee Nigeria ayaa muddo sannad ah laga mamnuucay howlaha Spoortiga, kaddib markii uu lacago laaluush ah ka qaatay weriyeyaal iska dhigayay wakiilo kooxo matalyay.

Tabbabaraha ayaa lagu ganaaxay $5000.

Salisu Yusuf ayaa laga soo duubay muuqaal qarsoodi ah isagoo qaadanaya 1,000 dollar xilli ay socdeen markii lasoo xulayay kooxihii ka qayb geli lahaa Koobka Qaramada Afrika ee sannadka 2018-ka.

Xidhiidhka kubadda cagta ee Nigeria ayaa sheegay in dhacdadaasi ay waxyeelleyn u gaysatay sumcadda kooxda.

Ilaa hadda lama hayo wax caddeyn ah in lacagahaasi ay saamayn ku yeesheen howsha xulidda kooxaha balse saraakiisha Fifa waxay mamnuuceen laalushka.

Yusuf wuxuu sheegay inuusan wax dambi ah gaysanin.

 

 

COMMENTS
LINKS