Saddex Kala Daaya, Qushuuc Himilo Sare, Qorsheyn Aragti Fog, Iyo Quluub Ardaa Hoose Taagan. Qalinkii: C/raxmaan Jeesto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saddex Kala Daaya, Qushuuc Himilo Sare, Qorsheyn Aragti Fog, Iyo Quluub Ardaa Hoose Taagan. Qalinkii: C/raxmaan Jeesto.
September 7, 2018 - Written by Editor:

Curinta aadmiga iyo hal-abuurnimadiisa waxa xaqiijiya oo hir-galiya qalabka uu adeegsanayo, Dhinaca qaab fikirka taasoo majaraha u haysa ka midho dhalinta yoolka uu leeyahay shakhsi ahaan, Umad ahaan, Koox ahaan, Qaran ahaan, iyo cayn walba ama caded kastoo leh hadaf u calaamadsan gaadhitaankiisa, Shaki kuma jiro inaad libin haybsayso waliba aad ku guulaysan karto waxase muhiima jidka ama dariiqa ku gaynayaa aragtida uu xambaarsan yahay, Ugsoonaw hadaad qaab isu eekaysiiso aanad ka dhabaynayn u eekaanshihiisa waa is hafrid ama been-abuur naf ahaaneed.

Inta ugu badan Umada Soomaalida dhibaato kale ma haysato waxay aad ugu daashey oo ay si qoto-dheer isu raacisay wax aaney waxba ka faa,iideyn, Oo ah qabyaalad taasibaa riiqdey isla markaana raafafka tirtey. Soomaalidu waa umad han-weyn mudnaanta iyo maqaamka sarena aad u jecel dhamaantood, Marka loo eegayo wadamada Afrika iyo umamka ku noolba waxaad moodaa iney dareen ahaan ama dadnimo ahaanba ay ka yara horeeyaan dhigooda dhinac walba oo la xidhiidha nolosha waa Umadan Soomaalida,e, Yagoo ka taagan martabadaa aan soo xusey Afrika dhexdeeda hadana waxbaa ka dhiman.

Hadaan ku soo dhaafo intaasi guud ahaan qeexitaanka Umada Soomaalida ah iyo duruufaha dhaqan ee ku gadaaman hab-sami socodka nolosheeda, Horta mawduucan waxaan ugu tala-galey inaan la wadaago umadayda reer Somaliland oo ah umad karaameysan isla markaana ku suntan astaamaha wanaaga gidigood, Haday tahay isu tanaasul walaaltinimo, iskaashi dantooda qaranimo iyo waliba Calan-sidida nabada oo ay ku caan baxeen. Bacda iftiiminta halka ay ujeedadaydu daaran tahay maanta sidoo kale Qormadani waa hadyad aan ugu talo-galey cid kastoo Rabbi garansiiyo dhugashadeeda.

jeesto

Inagu Qaran ahaan waynu hana-qaadey waliba dhinacyo fara-badan oo duniduna inagu amaantey , Tusaale ahaan Hay,adaha dalka ka hawl-galaa waxay ka marag-kaceen in dalku (Instituation ahaan) , U dhismay balse ay inaga dhiman tahay nidaamkan la yidhaahdo (Good Governance And Transprancy Accontability), Oo macnaheedu yahay Dawlad-wanaaga iyo isla xisaabtanka turxaan-bixinta leh, Run ahaantii waa guulaha ama darajooyinka u soo hoyday Somaliland Dawladnimadeeda iyo anba-baxeeda haykal, Waa waajib muhiima inaan ilaashano oon daryeelo si hagar-la,aana isu garab-taagno hamigeena inta inoo qabsoontay iyo waliba inta inoo dhiman ee aan Hiigsiga ugu jirno.

Maanta waxaynu taagan nahay darajo hor leh oo kaamila isla markaana doomidnimadeedu ay dhinacyo badan inaga saaqdey, Hamigeenu wuu balaadhan yahay waxaanu u shaqeeyaa si caalami ah oo la jaan-qaadaya waxaan raadinayno ama jaran-jarooyinka inaga dhiman, Hadaba si loo gaadho kuwan aan hiigsanayno waa in laynaga helaa xamilkeedii oo aan mar walba ka fikirnaa waxa ina mideeya ee weyn shay kastoo ina dhex yaala ama isu hayni ay lamaan tahay dhexdeena, Waa ineynu lahaanaa aragti fog hankeedu dheer yahay Umadnimona ku salaysan yahay hadiise aynu ka sokayno kobtaasi jirimayso wax inooga suura-gala amuuraha himiladeena ku tacaluqa.

Imika wakhti-xaadirkan waxaan Aqoonsi buuxa ka naadinaynaa Aduun-weynaha ama caalamka intiisa kale, Si ay hadaba himiladani u hir-gasho waa inaan meesha ka saarno qodobada carqaladeynaya ee ugu horeeyaan Qabyaaladu, Waayo waxaan ku soconaa qorshe hami sare ama yool fog oo ay hogaaminayso qushuucdeena doonitaan, In kastooy lugta hayso waxan la yidhaa kala fadhiga quluubta iyo in aynu ardaayo gunteenu u kala socoto Xikmadina waxay aheyd (Haani Guntay Ka Tolantaa), Hadaba walaalayaal aan ciyaarta ka dayno geedi-socodkeena hiigsi ee ku wajahan kobcinta iyo kordhinta himilo-socodka qarankeena.

Gunaanadka qodobkan aan u holadey waxaan ku af-meeri walaalayaal Quluubta aan ka midawno oo aan waliba Qalbigeena ku abuurno mid sida Qushuucdeena ama Qorsheheena u balaadhan oo leh xajmi aragti-fog, Isla markaana damaanad qaadi kara gaadhitaanka hawadeena , Waayo hadii aragtidu ku danbayso ardaayo kala fadhiya iyo qolooyin waxyaabo kala gadisan doonaya waxba inaga socon maayaan, Maanka ku haya qalbigana ku xafida midnimada quluubteenan yadoo wada Qaran qudha ah hadana ardaayo u kala fadhiisanaysa, Maxaa wacey waxa bara-baxaysa tii weynayd ee aan u soconay, Guuliyo gobanimo ayaan inoo rajaynayaa mar kasta iyo meel kasta oo kadar ama koboc ah.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

Holashada abaarteydu waxay soo tabinaysaa, Inagu umad ahaan waxaynu nahay Soomaali ku dhaqan Arlada Jamhuuriyada Somaliland, Waxaynu leeyahay qaab nololeed ka duwan Ood-wadaagteena aynu isu nahay Bah-wadaagta Jinsiga, Taasina waxa marag-ma-doon u ah nidaamka dawladeed iyo hanaanka dalnimo ee aynu ku dhaadanayno, Hadaba si dur-durka nimcada aan dhex dabaalanaynaa aanu inooga gudhin waxaanu u baahan nahay iney is turjumaan halka aan u socono iyo yoolka aynu ku gaadheynaa, Hadiise kala duwanaasho lagu arko arinkaasi wuxuu ku danbaynayaa faashil lagu khasaaro.

COMMENTS
LINKS