Baraha Bulshada Ha Isku Soo Galin Hadaanad Aheyn Qof Dhacdooyinka Ka Socda Dhugmo U leh, Oo Dhinacyo Badan Wax ka Eeg-Eega. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baraha Bulshada Ha Isku Soo Galin Hadaanad Aheyn Qof Dhacdooyinka Ka Socda Dhugmo U leh, Oo Dhinacyo Badan Wax ka Eeg-Eega.
September 7, 2018 - Written by Editor:

Halista Baraha Bulshada !!!

Waxa Aan dareensanahay in dad badan oo wax qora ay qorshe tahay la isla og yahay, dadkaasi oo marba si wax u dhiga oo mar nidaam reeraysan u soo dhiga doodaha iyo qoraalada, mar iyada oo xisbiyeysan, marba nooc.

In badan waxa aan u fiirsanayey qoraalada joogtada ah ee dadka qaar ay qoraan oo ah qaar dad badan lagu badelay fikiradoodii iyo aqoontoodiiba, oo loogu jiheynayo jihooyin aan ila wanaagsanayn iyo beerid lagu beerayo wax ina dhaxalsiinaya burbur bulsho iyo qoqob nololeed.

Qoraayada bartan ku jiraa waa dad aqoon badan leh, garasho dheer isla markaana yaqaana dadkeena halka la taabto iyo sida wax loo gashado, waa xirfad la barto iyo mid hibo ahiba way jirtaa.

Bartan waxa ka socda dagaalo qalin lagu dagaalamayo oo duulimaad ku ah maskaxdeena iyo garashadeena, dhaqankeena iyo diinteenaba, iyada oo waliba habka gudbinta iyo soo jiidashada quluubta dadku tahay xirfad iyo aqoon la is dheer yahay.

Baraha bulshadu waa goobo dadka laga hago, hadaad la yaaban tahay waa wax jira, in lagu hago oo marba xaga la doono laguu kaxeeyo dad baa aqoonteeda leh, oo toos umada halkan uga haga iyaga oo ka shaqeynaya ka jiheyn ama ku jiheyn qorsheyaal siyaasadeed, diineed, cilmaaniyadeed iyo wax badan oo la mid ah.

Baraha bulshada waa goobo loogu talogalay in lagu aaso taariikho dal leeyahay ama dhaqan iyo diin umadi leedahay taasi badelkeedana lagu beerayo kuwa kale, waa aqoon iyo garaad la is dheer yahay in waxii aad ku faani lahayd lagaaga dhigo wax aad ka faanto.

Marka aan eego xaga siyaasada arimaha qaranka Somaliland, marmarka qaar aan u fiirsado dhacdooyin badan oo dalka ka dhaca, waxa wararka la inooga dhigo iyo qaabka la inoo qaybiyo ee mashquulka aynu ku nahay muranka baraha bulshada, ayaa waxa aan is idhaahdaa malaha sidii caruurta ayaa la idin maaweelinayaa.

Dadka waxa lagaga shubaa oo laga saaraa wadaniyada oo ah dal jacaylka, dhaqanka, diinta,daacadnimada, ku qanacsanaanta isirka iyo abuurta ilaahay ka beeray, waxaana lagu shubaa intaa wax baabiinayey.

Aan soo geba-gabeeyo qoraalkaygane, adigu hadii aad kaligaa iyo fikirkaaga la dhex joogto waxa buuxa kooxo badan oo qolaba gaarkeeda isugu xidhan tahay oo aragtiyo iyo mabaa’dii kala duwan wata, dano gaar ahi iyo qorsheyaal qolo waliba leedahay, yaqaana oo darsay dareenka dadka iyo waxa lagu kicin karo, yaqaana waxa aad jeceshahay iyo waxa aad neceb tahay.

Waa dad in badan darsay dadka bartan ku jira, waa sababta dad badan bartan ugu dawakhsan yihiin ama maalinba dhinac loo jiheeyo, maalinba cinwaanka aynu ka hadalno waa la inoo dooraa, waxaana laga soo dhigaa wax aynu laba qaybood ugu kala safan karno ama ugaga doodi karno.

Hadii aanad aheyn dadka bartan iyo baraha kale ee bulshada wax ka haga, ogow waxa aad tahay kuwa la hago ee marba dhinacii la doono loo kaxaysanayo, waxa aan kaala hadlayaa waa aqoon casri ah iyo ujeedada loo samaystay baraha bulshada.

Hadii aad aragto iyada oo aragtidaada, curintaada, aqoontaada lala yaaban yahay ama afkaartaada la durayo waxa aad tahay xor, waxaana la diidan yahay in aad xoreyso dad badan oo uu garba duuban dano siyaasadeed ama aragtiyo kale oo dadka lagu shubtay, ku adkayso aragtidaada xorta ah ilaa ay midho dhalayso.

Aragtideyda gaaban

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS