Fursada dahabiga ah ee isbadalka geeska Africa, xukuumadda Somaliland maka fa,idayn kartaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fursada dahabiga ah ee isbadalka geeska Africa, xukuumadda Somaliland maka fa,idayn kartaa?
September 8, 2018 - Written by Reporter:

Geeska Africa bariga dhexe liyo khaliijka carabta waxaa kasocda isbedalo taarikhiya oo mudo qarni ku dhow aan hore uga dhicin, iyo saamaynta taban/togan ee a kuyeelan karto qadiyadda ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn Somaliland waqtigii xukuumaddii #Udub ee Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin. Waxay aad uga shaqaysay arimaha dibadda oo laba wasiir oo dedaal iyo khibrad badnaa ayaa hawlo badan qabtay. C/laahi Maxamed Duale ( ina dholeyare) iyo cimriga Allah haw dheereeyee mama Adna Adan oo labadooduba shaqo fiican qabtay.

Waxay caalamka ka kasbadeen saxiibo badan oo lagu qiyaaso ilaa 14 day Africa u badan iyo aduunka kaleba isugu jiray.

Waqtigii Madaxweyne A.M Siilaanyo ayaa gabi ahaanba la lumiyay saxiibadii waqtiga hore lasameeyay.Somaliland na  ceeb ayaa looga yaqaan tixraaca wixii xukuumaddii hore qabatay. Wasiir waliba wixi ka horeeyay wuu tirtira oo ma ogola. Hadaan uso noqdo topic gayga xukuumadii Siilaanyo waxa isooro galay Inay heshiis taarikhiya u saxeexdo UAE.iyo Dp world. Arintaasi waxay sabab u noqotay in Somaliland oo hore aan saxiibo ugu lahayn mandaqadda carabta ayno sxbo dhow ku yeelano waqti xasaasiya.

Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliya Faraaje uu isbadalka geeska ku asqoobay ee uu ku biiray labada xulufo quwadeed ee ay kala hogaaminayaan USA,KSA,UAE dhinac ah iyo Russia, China, Turkey oo dhanka kale ah. Farmaajo oo markii hore aha dhanka maraykanka iyo saudiga aya digo rogtay dhanka Russia iyo China Turkey. Sida darteed Somaliland fursadii ictiraafka aya albaabka inagu Soo garaacday ee sidee ay uga faa,idayn karta xukuumadda Muse biixi?

Waxaan sigaara ugu hambalyaynaya madaxweyne xigeenka qaranka oo si  misaaman uga Soo faa,ideeyay fursadii xajka kadib lakulankii boqortooyada ee qiimaha badnaa. Madaxweynihii hore AHN Cigaal waxay Saudi Arabia udiiday inuu Soo xajiyo isagoo ah madaxweynaha Somaliland ah waxay shurud uga dhigeen isagoo ah qof shacab Somali ah inuu Soo xajo wayna isku afgaran waayeen.

Maanta waxa isbedelkii keenay in diyaarad gaara oo boqortooyadu leedahay lagu Soo qaaday waftigii madaxweyne xigeenka C/Raxman Saylici oo Hargeisa lagu keenay goor habeenimo ah tasi waxay ku tusaysaa signal ka cad ee sheegaya in sucuudiga iyo xulufadooda ka go,antay in Somaliland la ictiraafo iyado labada dalba beryahan ka shaqaynayeen ictiraaf raadinta Somaliland wa Saudiga iyo Imaratkuba iyagoo kaga aargoosanaya  dowlada Somaliya oo ku wacad furtay xulufadan.hadaba yaa ka faa,idayn karra.

 

Allaah mahad leh

Abdiqani Salaf.

COMMENTS
LINKS