Ganacsataddu Waxay Cadow u Arkaan Inay Dawladnimadu Adkaato!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsataddu Waxay Cadow u Arkaan Inay Dawladnimadu Adkaato!!
September 9, 2018 - Written by Editor:

Ganacsadu waxay ka faa’iidaan dawlad la’aanta ama dawladda jilicdasan, hadii ganacsatada iyo dawladnimo kala koraan dhibaatooyin badan bay leedahay, waayo mar hadii ay dawladda ka dhaqaale roon yihiin ma ogola inay amarka dawladda qaataan.

Dawlad la’aanta ka jirta Soomaaliya sababta ugu weyn waxa leh shirkadaha ganacsiga ka jirta Soomaaliya, waayo ma ogola dawlad adag oo ka hirgasha Soomaaliya, sidaas darteed dagaal bay ka xigaan inay dawladdu adkaato oo cashuurtii ku waajibtay ay bixiyaan.

Hadii ganacsaduhu ku barbaaro dawlad la’aanta way adag tahay inuu la jaanqaado dawladnimadda waayo wuxuu u arkaa in culays ku soo kordhay tahay oo cashuurtaba laaluush uu bixinayo oo aan xaq loogu lahayn ay tahay ayuu u arkaa.

Sidoo kale, xeerkii lagu hagi lahaa ganacsiga ama adeegyadda cusub iyadoo aan la samayn ayuu adeegii hirgalaya, taasina waxay keenta khilaaf shirkadaha iyo dawladda, imika haddii lacagta mobilada xeerkii lagu dhaqi lahaa samay la isku dayo ma ogolaanayaan shirkadaha telefoonadu dagaal bayna ka xigaan, waayo sidan bay ku macaashayaan.

Waxa kale oo jirta in xukuumaddu mar kasta oo ay isku daydo inay soo iibsato mishiinkii lagu ogaanayey cashuurta ku waajibtay ku hadalka telefoonada oo sanad kasta lagu daro miisaaniyad waxa caqabad ku ah shirkadaha ay khuseyso oo aan marna ogolayn in mishiinkaasi la keeno, xiitaa waxay mararka qaarkood gaadhaa in wasiirka arimhaasi la yimaada shaqada laga eryo iyadoo meelo badan usoo maraya, waxaanay ku dhex leeyihiin dawlada basaasiin ay mushahar ku siiyaan si xogta uga dhex helaan madaxda dawladda si ay uga foojignaadaa waxyaalaha ku soo socda.

Waxa imika taagan la wareega haamaha, shirkadaha shiidaalka keenna qaab kasta oo xukuumada ugu dirqinayso inay ka noqoto go’aankaasi laga wareejinayo maamulkii haamaha way adeegsadeen, haseyeeshee xukuumada ayaa ku adkaysatay go’aankeedii hore, saaka si jujuub ah ayey ula wareegtay xukuumaddu haamaha kaydka shiidaalka iyadoo aanay goobjoog ahayn kuwii wareejin lahaa.

Maalmihii u dambeeyey waxa qaali garoobay shiidaalka, waxaana sabab u ahaa shirkadihii keeni jirey oo hakad galiyey shiidaalkii si dadku ugu kacaan xukuumadda.

QALINKII BARKHAD LADIIF

COMMENTS
LINKS