Qaranyohow Maxaad Dhalinyaradda U Qorshaysay Ee kaaga Meel Yaal?Qalinkii; Cabdirasaaq Huuno. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaranyohow Maxaad Dhalinyaradda U Qorshaysay Ee kaaga Meel Yaal?Qalinkii; Cabdirasaaq Huuno.
September 10, 2018 - Written by Editor:

In ka badan 75% bulshadda reer Somaliland  Waa dhalinyaro, dhalinyaradduna waa cudud iyo Caqli fayaw Oo U baahan IN loo sameeyo Qorshe-Qaran Oo cad, waxaynu Ogsoonahay Dunidda aynu ku noolnahay wadanba wadanka uu ka dhalinyaro badan yahay Ee Uu dhiso inuu ka koboc iyo dhaqaale badan badan-yahay Haddii dhalinyaradda laga faaidaysan waayo Oo Qorshe dhaba Oo horumarineed laga yeelan waayo waxay isku bedeli karaan halis Qaran, wadamadda aynu jaarka nahay Waxaa dhibaatadda ka wadda Ee baahi-dooda laga faaidaysanayaa waa dhalinyaradda, waynu dhaafnay wakhtigii Qorshaha Qaranku Ahaan lahaa raligalinta.

cabdirasaaq huuno

Reeraha ama kala fogaynta iyo qaybinta beelaha, waxaynu joognaa wakhtigii aynu ka tashan lahayn, siddii Rejo-nololeed mustaqbal fiican iyo iyo ididiilo loogu Abuuri laa dhalinyaradda sidda aynu U Eekaan-doona mustaqbalka Kuma Qiyaas Qaadan-karno haynteena Xukunkeena iyo waxa aynu Aaminsanahay balse waxa aynu ka Qiyaas Qaadankarnaa sidda ay u fikirayaan Ama Moralkoodu yahay dhalinyaradda maanta joogta waayo iyaga ayaa ah isbedelka Soo socda iyaga ayana tilmaan u noqon kara sidda aynu u eekan doono, waxaynu U baahanahay inaynu (Moral support) U samayno kumanaanka kun Ee sanad-walba jaamacadaha kasoo baxaya, waa ayaandaro iyadoo aduunka wadamadda (200 Million Ee Qof) ku nool yihiin ay ku dedaalayaan inay kordhiyaan tiradda bulshadooda in, inaga Oo la inagu Qiyaaso, (4 million ) aynu ka damqanwayno dhalinyaradda Iyagoo ah Ilayskii dalka ah Badaha ku le’daan Oo ay Qaarkoodna saxaraha ku nafwaayaan badh ka mid ahina rejo-la’an dalka la joogan Oo ay Qaarkood balwadaha bartan halka kuwo kale bulshadda dhibaateyaan,

Qaranyahaw U dhug yeelo maqal Oo Dareen da’yartaada U gurmo Oo geerida tahriibta uga hiili hili-fiican u jeez Oo hami san u Abqaal, waa hubaal inaynu tiigsan doono Dunidda horumartay Ee xidigaha iyo dayaxa ba gaadhay,

 

QALINKII CABDIRASAAQ AXMED HUUNO

 

COMMENTS
LINKS