Reer Gabiley haku quusqaataan in ay gobolka Maroodi/Jeex katirsananayaan ilaa inta Muuse Biixi Madaxweyne ka yahey Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Gabiley haku quusqaataan in ay gobolka Maroodi/Jeex katirsananayaan ilaa inta Muuse Biixi Madaxweyne ka yahey Somaliland
September 11, 2018 - Written by Reporter:

Qeybo badan oo kamid ah Shacabka Reer Gabiley ayaa aaminsanaa in ay Wax iska badelayaan Axdigii uu Kulmiye hore ugu Wacad Furey ee Gobolka badhka ah Sababtoo ah Magacii Gobolka meel.lagu Sheegayo oo haddana katirsan Gobolka Maroodi/jeex taas oo hoos looga dhigey Heerkii ay taagneyd Cahdiyaddii ka horeeyay Xukuumadii Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay Marxuum Cigaal iyo Rayaale Allaahu Yarxame Maxuum Cigaal Waxa uu Qiimayntiisii ka Reebay oo Kaliya Gobol Haseyeeshee, Waxa uu ku lamaaneeyay Lixda Gobol iyo Gabiley oo ay la darajo aheyd marka gees kasta laga eego halka Rayaale,na Gobolnimadii Bixiyay balse aanu ka Dhaqaajin halkaa hore ee ay Doorashooyinka ugu lamaanayd Gobolada Lixda ah.

Laakiin Markii Xukuumaddii Kulmiye talada la Wareegtay oo ay Reer Gabiley marar badan taageereen, Waxa ay u quus goysay Darjaddaa Koowaad ee ay La Wadaagaysay Gobolada kale A da ah Waxaanay la Sintey Goboladii D iyo C ahaa taas oo Sanadba Sanadka ka Dambeeya hoos uga sii dhaceysay heerkii ay hore u taagneyd iyadoo aad Moodaysay in Xukuumadaasi ay Si Toos ah ula Dagaalamayso Dariiqooyinkii Marxuum Cigaal taas oo Dadka Waxgaradka ah iyo Saaxiibul caqliga ahi aad u fahansanaayeen Waana halka ay iskaga mid yihiin Xukuumada Muuse Biixi hogaaminayo ee Kulmiye iyaduna ah Wax alaale Waxay ku kala Duwanaanayaan majirto Xukuumadaa hore ee Kulmiye Siilaanyona hogaaminayay Qadiyadda Gobolnimada Gabiley.

Haddaba Anigoon Jeclayn Inaan Halkan kusii Daaho Marba hadii ay Reer Gabiley Wada ogyihiin in aaney Muuse iyo Siilaanyo midna ka sugayn Doorkii Gobolka Gabiley Kulahaa Somaliland iyo Dhameystirkiisa uu kaga Duwan Yahey Goboladii Daahir Rayaale kadaba geeyay laakiin ay Xaqiraaddaa ku haynayaan Waxaan Xusuusin lahaa kooxdii nagaga hadhey ee ilaa hadda Qaarkood Rajo Kasii Qabaan Muuse Biixi iyo Madaxweynanimadiisa Numbaraddaa Baabuurta ee ay Gobolka Maroodi Jeex Ku Diiwaangalinayaan Gobolkaa Dhan ee Dalka iyo Dadka Somaliland Saamaynta iyo Miisaankiisa ku leh midhna iga Gunta Sidii ay Shuruud La.aanta Ceeb Walba Madaxa ugu Qaateen Ololihiisii Godobtana uga Galeen Xisbiyadda kale iyo Inta Muuse Joogo oo aanay Gobolkaa soo hadalqaadin.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gaibiley Somaliland

0634466339

COMMENTS
LINKS