Natiijooyinka Uefa Nations League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijooyinka Uefa Nations League
September 11, 2018 - Written by Reporter:

Yurub, waxaa habeen hore ka dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan tartanka cusub ee loogu magacdaray Horyaalka Qaramada Yurub kaas oo lagu badalay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen dalalka Yurub.

Xulka Portugal ayaa 1-0 kaga badiyay xulka kubadda cagta Talyaaniga oo marti u ahaa, taasoo aheyd guuldarradi 1-aad ee tartankaan kasoo gaadha macallinka cusub ee xulka Talyaaniga Roberto Mancini.

UEFA Nations League Andre Silva

Mancini ayaa soo safay ciyaartooy cusub oo dhalinyara ah. Wuxuu ka tagay oo uu keydka fadhiisiyay xidigaha caanka ah ee kooxda Juventus, waxaana ay ahed marki ugu horreysay oo aysan ciyaartooy ka tirsan kooxda Juventus u safan xulka Talyaaniga muddo 20 sana ah.

Goolka guusha waxaa Portugal u saxeexay weeraryahankii hore ee AC Milan Andrea Silva daqiiqadii saddexaad ee qeybtii labaad ee ciyaarta.

Waa marki ugu horreysay oo uu Portiqiisku ka badiyo Talyaaniga tan iyo sanadi 1957-ki.

Dhinaca kalana xulka kubadda cagta Kosovo ayaa xalay loo diiwaangeliyay guushii ugu horreysay abid uu kasoo hooyo ciyaar caalami ah tan iyo marki Kosovo loo aqoonsaday in ay tahay qaran jira.

Kosovo waxay 2-0 ku garaacday xulka Faroe Islands 2-0 oo ay ka wada tirsanyihiin qeybta afraad ee tartanka Horyaalka Qaramada Yurub.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahan Zeneli oo ah laacib ka ciyaara horyaalka dalka Holland iyo Nuhiu oo u ciyaara kooxda Sheffield oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Ciyaaraha kalana, September 10

Portugal 1 – 0 Italy

Sweden 2 – 3 Turkey

Scotland 2 – 0 Albania

Montenegro 2 – 0 Lithuania

Serbia 2 – 2 Romania

Andorra 1 – 1 Kazakhstan

Kosovo 2 – 0 Faroe Islands

Malta 1 – 1 Azerbaijan

 

COMMENTS
LINKS