Alle Ha,u Naxariistee Waxaa Goordhawayd Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Oday/Muj Jaamac Nuur Xasan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle Ha,u Naxariistee Waxaa Goordhawayd Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Oday/Muj Jaamac Nuur Xasan.
September 12, 2018 - Written by Editor:

INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

HARGAYSA(W,N) Rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa goor dhawayd cisbitaalka wayn Ee magaalada Hargaysa ku Geeriyooday Marxuum Oday Jaamac Nuur Xasan oo mudooyinkii u danbeeyay xanuunsanayay.

Marxuumka  ayaa ka mid ahaa Ganacsatadii door wayn kasoo qaatay taakulaynta Ciidanka SNM Ee Dib u xoraynta gayiga Somaliland isagoo Halgankaasi  usoo galay jeel iyo dil ay ku Xukuntay Taliskii Mucagaga ahaa ee Siyaad bare kuna jiray odayaashii laga soo jabiyay jeelka Madheera    Sidoo kale Marxuum Jaamac Nuur ayaa kamid ahaa odoyaashii doorka muuqda kasoo qaatay dib udhiskii Jamhuuriyada Somaliland isaga ka mid ahaa ragii waqtigaas naf iyo maalba usoo huray.

Sidoo kale marxuum Jaamac Nuur Xasan Ayaa  ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay xisbiga Kulmiye isaga oo waqti badan iyo maskaxba galiyay sidii xisbiga Kulmiye mar uun xukunka dalka u qaban lahaa, waxaanu ahaa baalasha uu ku duuli jiray xisbiga Kulmiye mudooyinkii uu talada dalka u ordayay isaga oo tiir dhexaad u ahaa guulihii xisbiga kulmiye ku hantiyay talada dalka.

Marxuumka ayaa waxay  saaxiibo dhaw ahaayeen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

 

Taariikhda Marxuum Jaamac Nuur ayaan ahayn mid halkan lagu soo koobi karin

Waxaana Halankan  Tacsi tiiraanyo leh udiraya Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Marxuum Jaamac Nuur Odoyaasha iyo madaxdhaqameedkan hoos ku qoran,

Waxayna Ilaahay uga baryeen in qoyska iyo qaraabadii iyo umada Somaliland uu ka baxay Samir iyo Iimaan kasiiyo

Marxuumkan waxay ilaahay uga baryeen in uu ilaahay su,aasha ufududeeyo janatul fardowsa raxmaan ku geeyo

Waxaana Marxuumka Maalinta Barrito Ah Lagu Aasi Doonaa Haddii Alle Qadaro Xabaalaha Baqiic ee hore loo odhan jiray Sh Aadan Siiro.

AAMIN AAMIN

Caaqil Maxaamed Cabdi Qawdhan

Cheef Caaqil Dayib cabdi Ciidle

Caaqil Muuse Ciise XIrsi

Oday xaashi cismaan dholaal

Oday Muuse muxumed guuleed (muuse inji)

Ciise Sheekh Muxumed Warsame

Caydaruus Sheekh Yuusuf Bulaale

Maxamed Ciise Jimcaale

Muj Gen maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif

Mustafe Kaamil Ciiise

Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan.

Axmed Xaaji Barkhad

Axmed Cabdi Muuse Axmed Ini

Dr Muuse Qaasim Aw Cumar

Cawke Jaamac Gadiid

Cabdilaahi Xuseen Daa,uud

Cabdiraxmaan Aadan Jaamac

Cabdicasiis Cabdilaahi Caalin

Cali Cabdiqaadir Muxumed

Xasan Cali Aaden

Mukhtaar maxamed muxumed

Maxamed Cali Aaden

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS