Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga oo soo jeediyay in la mamnuuco garaacidda carruurta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhakhaatiirta cilmi-nafsiga oo soo jeediyay in la mamnuuco garaacidda carruurta
September 12, 2018 - Written by Reporter:

Ururka dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ee waxbarashada ayaa mooshin ka soo jeediyay shirka TUC, iyagoo ku baaqay in ciqaabta jireed laga dhigo mid sharci darro ah.

Haatan, ciqaabta jidheed ayaa mamnuuc ka ah iskuullada, waaliddiinta ayaa carruurtooda garaaci kara amaba jir ahaan canaanan kara, haddiiba ay tahay mid macquul ah.

Dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ayaa sheegaya inay jiraan siyaabo badan oo carruurta loo kala baro sax iyo khaladka.

John Drewicz oo xubin ka ah guddiga sare ee AEP ee qaranka, ayaa ka sheegay shirka Manchester in garaaca uu dhibaato ku yahay caafimaadka maskaxda carruurta, uuna sababo inay la soo baxaan dabeecad qallafsan oo ku dhiirigelineysa inay adeegsadaan rabshad iyo dagaal.

Wuxuu sheegay in lixdan dalal ay hore u mamnuuceen garaacitaanka carruurta, waxaana ka mid ah Sweden, Ireland, Spain, Germany iyo Portugal, wuxuuna sheegay inay tahay xilligii ciqaabta carruurta laga mamnuuci lahaa dalka Britain, xitaa tan guriga loogu geysto ilmaha.

Mooshinka ayaa lagu sheegay in dowladda ay qaaddo tallaabooyin ka dhan ah difaacidda in waaliddiinta loo oggolaado inay canaantaan carruurtooda si macquul ah.

Balse ololeeyayaasha qaarkood ayaa ku doodaya in waaliddiinta ay ciqaab muteysan doonaan haddii la meelmariyo sharciga mamnuucaya garaacidda carruurta.

Waxaa sidoo kale jira qorshe horyaalla baarlamaanka dalka Scotland oo lagu mamnuucayo garaacidda jidheed ee carruurta.

Dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ayaa soo xiganaya baadhitaan sheegaya in markii ay waaliddiintu awood adeegsadaan, uu isbeddel ku imaanayo maskaxdooda taas oo micnaheedu yahay in awoodda loo adeegsaday carruurta ay sii xoogeysan karto.

Waxay ku doodayaan in ciqaabta jidheed ay sidoo kale horseedi karto xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo carruurta, caafimaad darro maskaxeed oo ku timaadda carruurta iyo dadka qaangaarka ah, iyo sidoo kale qallafsanaan baahsan oo uu ilmuhu la soo baxo iyo isagoo ka fogaada bulshada.

 

COMMENTS
LINKS